10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2016
Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug oo sheegay in Ciidanka NISA ay Xad-gudub kula kaceen

Talaado, November 15, 2016 (HOL) — Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug, Maxamed Max'uud Guure, ayaa sheegay in Ciidamada Sir-doonka Somalia ee NISA ay Afduub iyo jir-dil ugu geysteen degmada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Guure, ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay Irridka hore ee Xarunta Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ay ka qabteen Ciidamada NISA oo uu sheegay inay amar ka haystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugida & Sirdoonka Qaranka, Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay, in markaas ay la socdeen qaar ka mid ah oday-dhaqanka beesha uu kasoo jeedo, kuwaas oo uu sheegay in uu doonayay in uu u Gudbiyo Cabasho la xiriira liis been-abuur ah oo guddiga doorashada loo gudbiyay.

“Ciidanka NISA waxay isku dayeen inay si qasab ah ku wataaan Suldaan Xasan Madoow, markaan damcay inaan la hadlana ciidamadii ayaa Gacanta iila tagay, Dadweynihii ayaana kusoo xoomay buuqa, Waxaana lagu kala cayriyay rasaas,” ayuu Wasiirku ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay maanta.

Mar uu Wasiirku ka hadlay xad-gudub uu sheegay in loo geystay ayuu xusay  in ciidamadu ay u geystaan; In lagu xad-gudbay sharaftii iyo karaamadii qof ahaaneed ee ruux walba oo muwaadin ah uu lahaa. Jir-dil ayay ii geysteen iyadoo la Adeegsanayo Baadadka iyo liifka Qoryihii ay wataan Askarta NISA.. Waxaa lugu xad-gudbay Xasaannaddii iyo Maamuuskii Xilka Wasiirnimo ee aan Galmudug ka hayo.

“Xad-gudubka  la ii geystay waxaa mas’uul ka ah taliyaha NISA ee Galmudug oo fulinaya Amar uu bixiyay Jen. Gaafoow. Wuxuuna Arrintan ay salka ku haysay codsi loo gudbiyay Guddiga Doorashooyinka Gal-mudug, kaasoo Guddigu ku Gacan-sayreen, taasoo keentay imaanshaha Jen. Gaafoow ee Cadaado,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug.

Ugu dambeyn, Cabshada Wasiirka Galmudug ka tirsan, ayaanay jirin wax jawaab ah oo uu weli ka bixiyay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya. Laakiin Cabashadaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo 13-kii Bishaan November ay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ay soo saareen Walaac ku aaddan Cabashooyin la xiriira doorashada oo soo gaarayay maalmihii u dambeeyay.

Hiiraan Online, News Desk