10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2016
DAAWO VIDEO: Warbixin ku Saabsan isbitaalka guud ee Beledweyne oo ugu jira halis inuu Xirmo


Sabti, May 14, 2016 (HOL) — Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne oo Xilligaan ay jiifaan bukaanno laga kala keenay Qaybaha uu Gobolka ka kooban yahay iyo Deegaannada ku dhaw, ayaa xiligan wuxuu halis ugu jiraa inuu gabi ahaan xirmo, sida  ay sheegeen HOL mas'uuliyiinta iyo shaqaallaha isbitaalka.

Bukaannada jiifa Isbitaalka oo Qaarkood la hadlay HOL ayaa sheegay inaysan helin Dar-yeelkii caafimaad oo ay u baahnaayeen oo idil, madaama dawooyinka ay bahida u qabaan ay kasoo iibsadaan farmashiyayaasha gaarka loo leeyahay ee ka baxsan isbitaalka.

''Hay'adihii gacanta ku hayay qeybta bukaan jiifka isbitaalka waa ay ka baxeen, shaqaallaha mishaar ma qaadan labo Sanadood ku dhawaad, waana midda keentay in isbitaalku qarka u fuulo in uu xirmo'' ayuu yiri agaasimaha guud ee isbitaalka Axmed Max'ed khaliif.

Maryan Xasan Kulmiye oo ka mid ah hawl-wadeennada isbitaalka ayaa xustay in Qof laga keenay miyiga fog oo aan waxba heysan Dhibaato ku noqon karto inuu lacagta iska bixiyo, taasoo sababi karta  in xaaladiisa caafimaad khatar sii gasho.

Nabaddoon Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa baaq u diray jaaliyadaha gobolka Hiiraan iyo cid kastoo gacan ka geysan karta inuu sii shaqeeyo Isbitaalka, isagoo raaaciyay in dhibaato caafimaad oo soo wajaday bulshada ku dhaqan gobolka noqon karto isbitaalka oo xirma.

Ugu danbeyntii, agaasimaha iyo howl-wadeennada isbitaalka oo marar badan oo hore baaq u dirray dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay  in aysan wax jawaab ah ka helin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaliya