4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2016
Maxkamad ku taalla Britain oo dambi ku wayday Ganacsadaha Reer Jabuuti - C/raxmaan Boorre


Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka UK oo maanta dhageysatay Dacwad u dhexeysay Xukuumadda Jabuuti iyo Ganacsadaha u dhashay Jabuuti, C/raxmaan Boorre, kaasoo horay u ahaa Madaxa Shirkadda Maamusha Dekedaha Waddanka Jabuuti.

Dhageysiga Dacwaddan, kaddib ayuu xaakimka Maxkamada ayaa ku dhawaaqay go’aankii ay ka gaareen Dacwaddii u dhexeysay C/raxmaan Boorre iyo Xukuumadda Jabuuti, Isagoo ku dhawaaqay in lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay Ganacsadaha  iyo Shirkadihiisa.

Ganacsadahan reer Jabuuti ayaa dambiyadii lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ahaa; Musuq-maasuq, Lunsashada Hantida Qaranka Jabuuti, si uu arrimo isaga u gaar ah ugu adeegsado, Argagaxisanimo iyo kuwo kale, kuwaasoo makamadu ay ku tilmaantay waxba kama jiraan.

Sidoo kale, Qareenkii dacwaddan ku metelayay dowladda Jabuuti ayaa markii saaka uu soo xaadiray makaxmadda wuxuu sheegay inaysan wax dood ah ka qabin go'aannada xaakimka maxkamadda uu soo saaro, ayna aqbalayaan natiijo walba oo soo baxda.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay xukunka maanta soo baxay, muddo siddeed sannadood ah ayay arrintan soo socotay, dhibaatooyin badan ayaana Shakhsiyan iga soo gaaray,” ayuu yiri Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre oo u Warramayay BBC-da, kaddib Xukunkii uu kaga guuleystay xukuumadda Jabuuti.

C/raxmaan Boorre ayaa Hadalkiisa raaciyay, inuu u mahad-celinayo dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay iyo Maxkamadda Britain ee go’aankaan gaartay inay wax badan ka barteen sidii ay dacwaddaan u soo wadday muddada sannadaha ah.

“Waxaan kaloo doonayaa in aan halkaan uga mahad-celiyo ehelladayda oo iyaga laftooda ay dhibaato badan kasoo gaartay dacwaddan. Waxayna maxkamaddu u dhacday sidii aan filayay, waayo inaan horumarka Jabuuti ka shaqeeyo mooyee ma jirin wax dhibaato ah oo aan dalkeyga iyo dadkeyga u geystay, arrimahaana waxaa caddeysay maxkamadda,” ayuu mar kale yiri Ganacsade Boorre.

Su’aal ahayd; Maxaa xigi doona go’aanka maxkamadda, maadaama la sheegay in uusan ku lug lahayn eedihii loo haystay oo ay ka mid ahaayeen Musuq-maasuq iyo Argagaxisonimo, wuxuuna kaga jawaabay. “Wallaahi... waxay ku xiran tahay hadba sida ay go’aankan kasoo baxay maxkamadda ay u cabirto, Waxaana maleynayaa inay Xukuumadda Jabuuti mar kale wax dood ah ka keeni karin hantidayda oo Dunida oo dhan iiga xayiranayd.”

Ugu dambeyn, Go’aanka Maxkamadda Britain ay maanta soosaartay ayaa lagu xusay in la fasaxo dhammaan hantidii ganacsade C/raxmaan Boore uga xayirnayd caalamka. Waxaana dacwaddaan intii ay socotay ku baxay lacag dhan 90-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya