2/25/2025
Today from Hiiraan Online: Somali army kills over 70 Al-Shabaab militants in Middle Sha...
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2016
Xaruntii Wasaarada Maaliyada ay Muqdisho ku lahayd oo ka socdo Dayac-tir Ballaaran (Sawirro)

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Jimco, Juun 24, 2016 (HOL)
Xaruntii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ku lahad Muqdisho, gaar ahaan Degmada Shingaani ayaa lagu billaabay in lagu sameeyo Dayac-tir, si ay Wasaaraddu ugu hawl-gasho muddo 25-sano kaddib ah.

Dhismaha Xarunta Wasaaradda, ayaa maraya meel Gaba-gabo ah, iyadoo la filayo in xarigga laga jaro bisha July ee soo socota. waxaana dhismahaan uu ka kooban yahay 72-qol iyo dhawr hool loogu talo-galay shirarka.

Sidoo kale, Wasaarada Maaliyadda XFS ayaa Casriyeysay Nidaamka lagu Canshuuro Nootaayooyinka illaa iyo iminkana, waxaa isticmaala nidaamkaan 53-nootaayo oo ka howl-gala Muqdisho.

Nidaamkan cusub ayaa u Shaqeeya Qaab Online ah, waxaana arrinkan sababay kor u kac dhaqaale iyo ka hor-tagga musuq-maasuqa. Nootaayooyinka ayaa kala iibiya hantida ma guurtada ah iyo tan guurta, waxaana dhamaan lacaga wax lagu kala gato laga qaada canshuur.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Maaliyadda XFS - ayaa ku guulaysatay hir-galinta nidaamka Maamulka Maaliyadda Dalka, kaas oo hadda lagu baahiyey Maamul-goboleedyada, Arrinkaas oo kor u Qaadaysa Kalsoonida Deeq-bixiyeyaasha Caalamka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya