12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2016
Shaybaarkii Xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo Maanta Dib loo Furay Mudo fog Kaddib (Sawiro)

Talaado, Juun 14, 2016 (HOL) — Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Somalia iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho - ayaa Maanta si Wadajir ah Xarigga uga jaray Sheybaarka Dhexe ee Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Dr. Maxamed Muuse Yusuuf  oo ku hadlay magaca hay’adda QM u Qaabilsan cunnada iyo Beeraha ee FAO, oo goobta ka hadlay sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Wasaaradda xannaanada xoolaha Somalia - ay ka gacan siiyaan qalabka loo adeegsanayo sidii loo hubin lahaa Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa wuxuu isagana goobta ka sheegay isagana in furista Sheybaarkan uu xaqiijinayo in la Hubiyo Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya ee Dibadda loo dhoofinayo.

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Somalia, Siciid Xuseen Ciid oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa tilmaamay in Xarig-jarka Xaruntaan ay qayb ka tahay in lasoo celiyo kaalintii Sheybaarka Dhexe ee Xoolaha ee uu Dalku lahaan jiray.

Ugu dambeyn, Sheybaarkan ayaa wuxuu ahmiyad weyn ugu fadhiyaa caafimaadka xoolaha Soomaaliya, waxaana tani ay qeyb ka tahay qorshe Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DF ay ku Doonayso inay kor ugu soo qaaddo tayada Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya