4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Kooxda Puntland oo ku Guuleysatay Koobkii Kubadda Cagta ee Maamul-gobollada Dalka (Sawirro)

Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Cayaartoydii Maamulka Puntalnad, ayaa ku Guuleysatay Koobka Kubadda Cagta ee Maammul-goboleedyada Dalka ee Muqdisho ka socday, kaddib markii ay galabta ka adkaadeen xulkii Jubbaland.

Garoonka Banaadir Stadium, waxaa soo buuxiyay taageerayaal badan oo kala taageerayay labada kooxood, waxayna cayaartu ku billaabatay dar-dar ay muujinayeen kooxaha, iyagoo kala dhaliyay 1-1 oo markii ay cayaartu socotay afar daqiiqo oo keliya.

Sidoo kale, Cayaartan oo ahayd middii kama dambeysta ahayd, waxaana ka mid ahaa daawadayaashii cayaarta Mas'uuliyiinta ugu Sarreeya Dalka Sida; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Somalia, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Qaybtii hore ee Cayaarta ayaa lagu kala nastay Bar-barro 1-1 ah, Waxaana markii la isugu soo noqday Qaybtii labaad, ayaa Cayaartoyda labada kooxood waxay muujiyeen cayaar aad loo jeclaystay, iyadoo koox walba ay doonaysay inay gool dhaliso si ay koobka ugu guuleysato, inkastoo aan wax gool ah la iska dhalin, xilligii cayaarta loogu talo-galayna ay ku dhammaatay bar-barro.

Guddiga Cayaarta Maamulayay ayaa waxay ku dareen cayaarta 30-daqiiqo oo dheeraad ah, mana jirto wax goolal oo kooxuhu ay iska dhaliyeen, inkastoo ay heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen. Intaa kaddib ayaa waxaa labada kooxood loo dhigay gool-ku-laadyo si loo kala saaro.

Rigoorayaasha, ayaa waxaa ku badiyay kooxda Puntland oo dhalisay 5-gool, halka Kooxda Jubbaland ay dhalisay 3-gool oo keliya, sidaasna ay ku qaaday Kooxda Puntland Koobka Maamul-goboleedyada Somalia ee Muqdisho lagu qabtay.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoonsiiyay Kooxdii ka Socotay Puntland Koobkii loo Tar-tamayay, Waxaana Madaxweynuhu uu ugu Hambalyeeyay Kooxda Puntland guusha ay gaareen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya