3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2016
Cayaaraha kubadda Cagata ee Dowlad Gobleedyada












Click here
7/18/2016 11:24 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Inkastoo ay adag tahay in la hello xog dhameystiran oo la xiriirta kulanka maanta magaalada Beledweyne ku dhaxmaray danjiraha urur gobolleedka IGAD iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa dhinaca kale warar hoose oo ay heshay Hiiraan Online waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ka wadda hadlleen suurtagalnimada in la sii anba-qaado wadda-hadallada ku saabsan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

7/18/2016 11:01 AM EST
Isniin, 18 July 2016(HOL) Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa fannaaniinkii Cabdullaahi Mire Dacar (Shay Mire Dacar) oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed kuwa codkooda aadka loo jecel yahay, kaasi oo dhawaanahan xanuunsanayay.

7/18/2016 8:13 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Ergayga urur gobolleedka IGAD Max'ed Cabdi Afey, ayaa goor dhaw oo maanta ah mar kale soo gaaray magaalada Beledweyne, waxaana waqtigan soconaya kulan uu la qaadanayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

7/18/2016 8:04 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in 11 Askari oo ka tirsan ciidanka Ammaanka Waddankeeda lagu laayay Magaalada Gonder oo ku taalla Waqooyiga-galbeed Itoobiya.

7/18/2016 7:30 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Kulan adag ayaa xalay dhex-maray Cayaartooy caan ku ahaa Kubadda Cagta Caalamka, balse hadda ka dheela horyaalka MLS-ka ee Waddanka Maraykanka.

7/18/2016 7:17 AM EST
Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Qaar ka mid ah waddooyinka Nairobi ayaa la xiray maadaama wafuud badan ay kasoo qeyb galayaan shirweyne looga hadlaayo arimaha ganacsiga oo maanta ka furmay bartamaha Nairobi.

7/18/2016 7:10 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa Nairobi isugu keentay khubaro ka socota maamul goboleedyada dalka iyadoo ujeedka kulanku uu yahay in laysla meel dhigo sidii Dowladda Dhexe iyo Maamullada Goboladu uga wada-shaqayn lahaayeen midaynta canshuuraha iyo kor u qaadida dakhliga ka soo xarooda furdooyinka iyo canshuuraha bariga.

7/18/2016 7:01 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa axadii shalay kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta isagoo kala hadlay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha ku yaal wadanka Kenya.

7/18/2016 6:56 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidanka Puntland iyo Somaliland ayaa la soo sheegayaa in uu ka qarxay deegaanka Booda-Cadde oo ka tirsan gobolka Sanaag ka dib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saldhigyo ka samaysteen deegankan oo ku dhow degmada xin-galool.

7/18/2016 6:37 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL)-Dalka Morocco ayaa ka maqnaa ururka Midowga Afrika 32dii sano ee ugu dambeeyay kadib markii uu isaga baxay midowga khilaaf ka dhashay lahaanshiyaha Galbeedka Sahara aawadii.

7/18/2016 3:14 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Ciidammo cusub oo ka socda Millateriga dlaka Uganda, ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, iyagoo qayb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Soomaaliya.

7/18/2016 3:06 AM EST
Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma ayaa shirka 27aad ee madaxda Afrika ee haatan ka socda Kigali Rwanda ka sheegtay in loo baahan yahay in si dagdag ah wax looga qabto dagaalada ka jira qaarada.

7/18/2016 2:37 AM EST
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Rwanda ayaa waxaa ka furmay Shir-madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika, kaas oo ay Qayb-galayaan Hoggaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

7/18/2016 2:33 AM EST
Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Nin hubeysnaa ayaa dilay ilaa 3 askari oo boolis ah magaalada Baton Rouge halka uu dhaawacay 4 kale oo midkood uu garaabato yahay.

7/18/2016 1:49 AM EST
Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Shirka madaxda Afrika ee kasoconaya caasimada Rwanda ee Kigali ayaa waxaa lagu furay xarigga ka jarida baasaboorka cusub ee qaarada.