SAWIRRO: Olole lagu hakinayo jarida dhirta laga dhigto Dhuxusha oo ka billowday Deg. Xuddun
Isniin, Janaayo 04, 2016 (HOL) — Olole lagu dabar-goynayo geedaha la jaro ee dhuxusha laga dhigo ayaa ka billowday Degmada Xuddun oo Qiyaastii 85-km Waqooyi kaga beegan magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool, kaasoo ay soo abaabuleen duqa dagmada iyo waxgaradka ku dhaqan Xuddun.
Tallaabadan lagu xakameynayo shididda geedaha qoyan ee xaalufinta ku haysa dalka, ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday taliyaha ciidanka Xudun, Col. Xuseen Ducaale Dheeg iyo ku-xigeenkiisa, Cismaan Maxmuud Cali, waxayna ku guulaysteen inay baabi’iyaan toddoba goobood oo ku yaalla Buur-caanood; halka buurta Xakrina laga baabi’iyay saddex god oo kuwa dhuxusha lagu gubo ah oo ay ku diyaarsanayd dhuxul.
Duqa Dagmada Xuddun, Faarax Cali Ibraahiim (Hagar) ayaa sheegay inay si wayn uga soo hor-jeedaan duxuleysiga, ayna qabteen qaar ka mid ah Gaadiidkii ku howlanaa in dhuxusha ay qaadaan, Waxuuna intaas ku daray inay digniin u jeediyeen Raggii loogu tagay goobaha la baabi’iyay, sidoo kalana lagala wareegay wixii ay haysteen oo qalab ahaa.
Sidoo kale, Xuddun oo uu ka baxo labada geed ee loo yaqaanno Hareeriga iyo Galoolka, gaar ahaan labada buurood ee Xakrin iyo Buur-caanood ayaa xilliyadii u dambeeyay ay si weyn uga socotay dhuxulaysiga, kaddib markii ay yaraadeen deeganadii horay dhuxusha looga shidi jiray dhuxusha oo u dhaxeeyay Xuddun iyo Ceeri-gaabo.
Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay ee tallaabadan oo kale laga bilaabo degmada Xuddun, iyadoo horay ay isugu dayeen Wax-garadka iyo Mas'uuliyiinta, balse ay ku guul-daraysteen, hase ahaatee waxaa la saadalinayaa in muddo laga nasto goynta dhirta qoyan ee loo adeegsado dhuxusha.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool