Axmed Siilaanyo oo Cayimay xilliga la billaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiye-yaasha Somaliland
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland ay billaabanayso, oo lagu sheegay 16-ka Janaayo, 2016-ka, iyadoo gobolka ugu horreeya ee laga billaabayo uu yahay gobolka Togdheer.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Madaxweynaha u Gudbiyey inay diyaar u yihiin inay billaabaan diiwaan-gelintii cod-bixiyeyaasha, ayna madaxweynaha ka codsaday inuu soo mudeeyo, waxaanu madaxweynuhu isla maanta soo saaray wareegto uu ku cayimayo maalinta la billaabayo diiwaan-gelintaasi.
“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu wareegto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku Muddeeyay wakhtiga diiwaan-gelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.
Waxaana intaas raaciyay. Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 28-aad ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
Markuu Tix-geliyey: Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay; GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016-ka, Ujeeddadiisuna tahay; Codsi ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;,
“Wuxuu Go'aamiyay in Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashu ay dalka ka billaabmi doonto gobolka ugu horreeya oo ah; Gobolka Togdheer, Taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016,” ayuu kusoo xidhay qoraalkiisa.
Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka oo kulan la yeeshay saddexda xisbi ayaa sheegay inay soo gunaanadeen hawlihii kaga xidhnaa gudda galka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, Waxayna Xisbiyada ka siiyeen Warbixin ku aaddan Qaabka Hawshaas u galayaan, iyagoo cabasho uga timid gobolka lagu bilaabayo ee Togdheer sheegay in mudaddii ay ugu Talo-galeen inay ka socota gobolkaasi deegaanada abaaruhu ka jiraan wakhti ugu dari doonaan si fursad u siiyaan dadka reer guuraaga ah ee xadka ka talaabay, waxaanay intaas ku dareen in goobaha xuduuda Itoobiya u dhow dhow muddo cayiman u deyn doonaan sanaaduuqda diiwaangelinta si dadka reer guuraaga ah ee Itoobiya u talaabay iska diiwaangeliyaan.
Saddexda Xisbi Qaran ayaa iyaguna soo dhaweeyey Tallaabadan uu Komishanku qaaday, iyagoo xukuumada ka codsaday inay garabsiiyaan, isla markaana amniga hawl-wadeenada iyo qalabkaba sugaan si aanay dib uga dhicin wakhtiga loo Qorsheeyay inay bilaabanayso Diiwaan-galinta.
Si kastaba ha ahaatee, Gobolka Togdheer oo ay bilaabmayso diiwaan-gelintu ayaa sheegay inay ku jiraan wakhti abaaro ah, taasina aanay u saamaxayn inay is-diiwaan-geliyaan, maadaama oo dadkii is-diwaan-galin lahaa xad-kaba ka talaabeen, waxaanay codsadeen in muddo dib loogu dhigo ama waqti dheeraad ah loogu daro si dadkaas maqani u soo laaban lahaayeen, haseyeeshee, guddida doorashooyinka ayaa iyaguna sheegay in muddo gaaban ugu dari doonaan wakhtigii loogu talllogalay inay ku dhamaato.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.