4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2016
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Baladweyne


Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa goor-dhow si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Ugasa C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Wariyaha HOL ee gobolka Hiiraan, C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in xilli loo fadhiyay shir ka socda magaalada Baladweyne uu ugaaska xanuun kusoo booday markii la geeyay Isbitaalkana uu geeriyooday.

Ugaaska ayaa toddobaadkii hore ka furay Baladweyne shir uu abaabulkiisu lahaa  kaasoo la sheegay inuu yahay shir laba ujeeddo leh, kuwaasoo kala ahaa dib u dhiska garoonka diyaaradaha Baladweyne iyo in aayaha dambe laga tashado.

Wixii warar ah ee kasoo kordha geerida Ugaaska waxaad kala socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

FADLAN HALKAAN KU DHAAF TACSIDA UGAAS CABDIRAXMAAN UGAAS KHALIIF

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya