4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
SAWIRRO: Dibadbax looga Hor-jeedo Nidaamka 4.5-ka oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Dadweyne fara badan oo kasoo hor-jeeda Nidaamka 4.5-ka ah oo shalay la go’aamiyay in lagu soo xulo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee 2016-ka, ayaa maanta ka dhacay Fagaaraha Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shacabka bannaan-baxa dhigayay ayaa waxay qaarkood xirnaayeen dhar laga tolay calanka Puntland, isla markaana watay Boorar ay Qornaayeen erayo looga soo hor-jeedo Nidaamka 4.5-ka, ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan raalli ka ahayn Nidaamka Qabiilka ku dhisan; ayna doonayaan in doorashada sannadkan dhacaysa lagu saleeyo hab deegaan, qaabkaas oo ah mid ay aaminsan yihiin inay Soomaaliya gaarsiin karto meel wanaagsan.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa isla maanta ka dhacay mudaaharaadyo lagu diiddan yahay nidaamkan, kuwaasoo ay soo abaabuleen maamullada degmooyinka ka taliya. Waxayna soo dhaweeyay Go’aanka Madaxweynaha Puntland uu ku Diiday 4.5-ka; iyadoo dibadbaxyadan qaarkood ay ka qayb-galeen siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland.

Bannaanbixii maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Xubno Maamulkaas ka tirsan, iyadoo Hadallo ay jeediyeen ku sheegtay inay taageersan yihiin go’aankii uu Madaxweyne C/weli Gaas uu  kaga soo horjeestay nidaamkan.

“Ma aqbalayno in wax lagu soo doorto 4.5, Waana taageersan nahay Madaxweyne C/weli Gaas oo kazoo horjeestay go’aankaas, waayo ma ahan wixii ay Shacabka Reer Puntland ay u wakiisheen inuu u soo qaado,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii bannnaan-bixii ka dhacay Garoowe ka qayb-qaadanaysay.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha ayaa iyaguna sheegay in nidaamka 4.5-ka ah uusan Soomaaliya gaarsiin karin dowladnimo dhab ah, waxaanse rabnaa in doorashada soo socota ee sannadkan 2016-ka wax lagu soo doorto deegaan.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Cameey] sheegay in shacabka ku nool Lix magaalo oo Puntland ka Tirsan laga ururiyay Aragtidooda ku aaddan doorashada sannadkan 2016-ka dhacaysa, ayna sheegeen in wax lagu soo doorto hab deegaan, sidaas awgeed Puntland way kasoo horjeeddaa in wax lagu soo doorto 4.5-ka.

Ugu dambeyn, Banaabaxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxwenaha Puntland, C/weli Gaas oo Shir jaraa’id ku Qabtay Muqdisho uu si cad uga soo hor-jeestay Nidaamka 4.5-ka ah ee lagu go’aamiyay Shirkii wada-tashiga doorashooyinka ee Muqdisho ka socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya