4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2016
SAWIRO: Gudoomiyaha Dalada SIMHA oo SHIR Caalami ah kaga Qayb-galay Magaalada Paris


Axad, Feberaayo 07, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Dalada Suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Somalia (SIMHA), Xasan Cali Geesey ayaa ka qayb-galay Xarunta dalka Faransiiska ee Paris Shir-weyne Caalami ah oo ay soo qaban-qaabisay Hay’ada UNCESCO oo Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashadda, sayniska iyo dhaqanka.

Kulankan waxaa kaloo ka Qayb-galay madaxda hay’ada UNESCO, mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, kuwa Saxaafadda Caalamka iyo Madax ka kala socotay hay’adaha warbaahinta madaxa-bannaan ee waddamada ka tirsan caalamka oo lagu casuumay.

Ajandaha looga hadlayo shir-weynahan ayaa waxaa ka mid ahaa; “Ururada warbaahinadda oo u taagan ammaanka xirfadlayaasha warbaahinta”, waxayna ka-qayb-galayaasha si koox-koox ah uga arrinsadeen xaaladaha ay ku sugan yihiin suxufiyiinta caalamka iyo sida loogu baahayn yahay in la iska-kaashado badbaadinta suxufiyiinta caalamka, gaar ahaan kuwa ka hawlgala dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.

Shirweynahan oo hal maalin socday ayuu Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta SIMHA, ka jeediyey Khudbad uu kaga hadlay xaaladda dhabta ah ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku hawl galaan.

Xasan Geeseey ayaa ka mid ahaa madaxda warbaahinta ee sida gaarka ah looga xil-saaray inay ka doodaan mowduuc ku Aadanaa Ammaanka Mujtamaca, Gobalka iyo Warbaahinta maxalliga ah, isagoo xusay in Suxufiyiinta Somalia ay u baahan yihiin in si heer caalami ah loo difaaco, isla markaana laga taageero Horumarinta khibradahooda iyo in Amnigoooda la sugo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha SIMHA ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xog-hayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka lahayn ee RSF, Christophe Deloire. Wuxuuna sheegay in kulanka uu ahaa mid ay uga hadleen xoojinta taageerada suxufiyiinta Somalia, wuxuuna uga mahad-celiyay xoghayaha guud ee RSF taageerada ay mar walba suxufiyiinta Somalia la garab-taagan yihiin.

Ugu dambeynyii, Xasan Cali Geesey ayaa dhanka kale kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Bulshadaha Caalamka, Francesco Diasio, iyagoo is-dhaafsadeen dhowr aragti oo ku aadan Horumarinta Saxaafadda Somalia iyo sidii ay SIMHA xubin uga noqon lahayd Ururkaas, loona Xoojin lahaa Wada-sahqeynta Idaacadaha Hoos-yimaada SIMHA iyo Ururka Idaacadaha Bulshadaha Caalamka ee World Association of Community Radio Broadcasters.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya