10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2016
Dagaal Ciidanka DF, AMISOM iyo Al-shabaab ku Dhaxmaray Deegaanka Luuq-Jeelow ee Gobolka Hiiraan

Talaado, August 23, 2016 (HOL) — Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa oo subaxnimadii hore ee saakay howlgal ka bilaabay deegaanno hoostaga magaalada Beledweyne, ayaa iska horimaad kala kulmay xoogagga Al-shabaab meel dulleedka ka ah deegaanka Luuq-Jeeloow.

Ciidammada isbaheysanaya ayaa subaxnimadii hore ee saakay u dhaqaaqay deegaanno dhaca galbeedka Beledweyne oo fariisimo u ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Illaa iyo hadda dhab ahaan lama oga khasaraha labada dhinac ka soo gaaray iska horimaadka, waxaana wali soconaya howlgalada ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya