1/19/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2015
KENYA: Howlgallo laga billaabay Deegaano lagu Tuhmayo Xoogag ka Tirsan Xarakada Al-shabaab


Axad, September 13, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa billowday Hawlgallo ay kaga Sifeynayso Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ku Taalla Xeebta Kenya, Halkaasoo ay Sheegeen Saraakiisha Kenya inay ku Dhuumaaleysanayaan Xoogag ka Tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Weerarro ka geysta Deegaano dalkaas ka tirsan.

Wasiirka Amniga Gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaisserry ayaa Sheegay in Hawl-galkan lagu beegsanayo 13 tuulo oo ku kala yaalla Bariga degmada Lamu iyo deegaano ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Dalka Kenya oo ay ka mid yihiin; Holugho, Galmagala, Sangilu, Ijara, Bodhei, Milimani, Baurre, Basuba, Mangai, Malalani, Kiunga, Ishakani iyo Dar-es-Salaam.

Dhammaan Deegaannadan Hawl-galka laga Fulinayo Waxaa Qabanaya Sharci Gaar ah oo Dhawaan ay soo Saartay Xukuumadda Kenya - 02, September 2015, kaasoo tirsigiisu ahaa 93.

Sidoo kale, Hawlgalkan ayaa la sheegay inay ka Qayb-qaadanayaan Ciidamada Millateriga Kenya iyo Booliiska sida Millateriga loo tababaray. Kuwaasoo howlgalka si wadajir ah uga fulinayay deegaannadan.

Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in Xoogagga Al-shabaab ay Saldhigyo ka Sameysteen keynta Boni soo galeen, kaddib markii lagu soo jabiyay Gudaha Somalia, sidaasi darteedna ay qosheynayaan inay ka saaraan deegaannadaas ay ku dhuumanayaan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay Weerarro ka Geysanaysay Gudaha dalka Kenya tan iyo markii Xuukumadda Kenya ay kumannaan ciidamadeeda ka tirsan u soo dirtay Somalia dhammaadkii sannadkii 2011-kii si ay ula dagaallamaan Al-shabaab oo ay ku eedeysay Af-duubiyo iyo dilal ka dhacay gudaha Dalkeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya