1/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2015
Isbahaysiga Musharaxiin KULMIYE oo sheegay inaysan ka Qayb-gali doonin Shirka KULMIYE


Axad, November 08, 2015 (HOL) — Isbahaysiga musharixiinta Xisbiga KULMIYE ayaa maanta caddeeyey in shirkaasi bisha November 10-keedda lagu qabanayo Hargeysa aanay ka qaybgali doonaan maadaama aanu tartankaasi si cadaaladda u dhaceen.

Musharaxiinta oo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Musharax C/casiis Maxamed Samaale iyo Musharax xildhibaan Axmed Cabdi [Kijaandho] oo maanta warbaahinta kula hadlay guri ay ka wadeen ololahoodda oo ku yaalla magaaladda Hargeysa.

Maxamed Biixi ayaa sheegay in shirkaasi aanu ahayn mid cadaaladda, isla markaana laba musharax oo kaliya hawshoodda wataan, iyadoo madaxtooyadana ku eedeeyey inay dhinac la safatay.

“Waxaanu go’aansannay in shirweynaha 10-ka November dhacaya aanan ka qayb-galin, maadaama uu shirkaasi yahay mid afduub ah oo qaab guracan loo waddo, guddidii fulinta iyo raggii ku shaqada lahaa lagama talo-galin, waxaa la sameeyay guddi aan sharciyadba haysan, kama cabanayno arrimo farsamo ee qaabka hawshu u socoto ayaanu diidan nahay, waanu diidnay inaanu ka qayb-galno,” ayuu yidhi Maxamed Biici Yoonis.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandho oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri. “Shirkaasi waa mid cid gaar ah loogu cumaadayo, kamana qaybgalayno, tareenkii xisbiga kulmiye ee inta badan saarnayn maanta halkaasi ayaanu kaga degno kamana bixin, balse shirkaas ayaanan ka qayb-galayn, dhaqanka kulmiye waxa lagu yaqaanay in la isku joojiyo, guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biix iyo xogyihii wakhtigaas Kayse ayaa sidan oo kale uga carooday xisbiga shirweynihii sannadkii 2008-dii lagu qabtay Burco, annaga ka odaynay in shirkaas dib loogu dhigo sidii bayna u dhacday, maantana iyaga ayaanu ergo u diraynaa, madaxtooyada kula socota.”

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa isna sheegay in shirkaasi u afduuban yahay shakhsi gaar ah, sidaad darteed aanu ka qaybgali doonin shirkaasi inta uu sidan u  socdaan hawlihiisa.

“Shirka xisbiga kulmiye sida uu imika yahay kaga qaybgali mayno, waana la afduubay oo dimuqraadiyadii  laga leexiyey, guddidan madaxweynuhu magacaabayna kalsooni maanu siin”ayuu yidhi Samaale.

Ugu dambeyn, shirweynahan ayaa loo qoondeeyay inuu furmo maalinta Talaadada ah ee bishan 10-keeda ku beegan, iyadoo hoggaanka xisbiga Kulmiyana uu sheegay in xilligaas uu dhacayo shirka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland