1/4/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2015
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somalia oo Maanta Xukuno ku Ridday Eedeysayaal


Sabti, May 02, 2015 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday sagaal qof oo toddoba ka mid ah la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo labada kale oo ahaa askar ka tirsan ciidamada dowladda , iyadoo xukunku uu isugu jireen dil, xabsi daa’in, sannado xarig ah iyo sii dayn.

Col. Xasan C/raxmaan Aadan oo ah kaaliya maxkamadda ayaa markii ay maxkamadeynta eedeysanayaasha soo dhammaatay ku dhawaaqay xukunnadii ay maxkamaddu ku ridday sagaalka qof.

“Gacan ku dhiigle, Axmed Aweys Xasan waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, Dable Mahad Axmed oo maqane ah waxaa isna lagu xukumay xabsi daa’in, Cabdi Ibraahim Maxamed, Maxamed Maxamuud Xasan, Ciise Maxamuud Cali Jimcaale waxaa mid walba lagu xukumay min 10-sano oo xabsi ciidan ah. C/salaam Axmed Tifow, C/Salal Maxamed Miidaan, Sheekh Cali Cismaan Shan-nin waxaa iyagana lagu xukumay min afar sano oo xabsi ciidan ah,” ayuu yiri Col. Xasan C/raxmaan oo xukunnada u akhrinayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Sidoo kale, Col. Xasan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maxkamaddu ay amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo mid ka mid ah eedeysanayaashii maanta la hor-keenay, kaasoo uu ku sheegay sheegay hadalkiisa in lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale, Qareenkii u doodayay Afar ka mid ah raggii maanta Xukunnada lagu ridday, Xasan Cabdulle Fara-yare ayaa intaas kaddib sheegay in xukunka uu racfaan ka qaadanayo, una gudbin doono maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida.

“Anigoo ah garyaqaankii daafacayay afar ka mid ah ragga maanta xukunada  lagu riday oo loo haystay dil ka dhacay deegaanka Sarkuus, maxkamaddana aan horay guu sheegay in ragaasi aysan ahayn raggii galay dambiyada lagu soo eedeeyay, waxaan idiin caddeynayaa inaan maxkamada sare ee ciidanka aan ugu bandhigi doona dacwadeyda si waafaqsan sharciga,” ayuu yiri Avv. Xasan oo isna warbaahinta la hadlayay xukunka kaddib.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo ay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dalka ay xukunno ku riddo rag lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan iyo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya