7/31/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 28, 2015
SIILAANYO: Dawladda Somalia waa inay ogaato in aan Nahay Dowlado Jaar ah


Sabti, Maarso 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Siilaanyo, ayaa khudbad sanadeedkiisa ka jeediyey labadda gole baarlamaan ee Somailand.
Siilaanyo ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, wada hadalka u dhexeeya Somalialnd iyo Soomaaliya, dagaaladda ka socda Yemen iyo xaaladda guud ee Somaliland.

Ugu horreyn madaxweynaha oo arrimaha Dooshooyinka ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaa aynu joogna xilli ay inoo qorshaysnaayeen Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada. Haseyeeshe, waxa ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku wakhtiigoodii dhaafayaan. Waxa aan halkan ka caddaynayaa, horena idinku sheegay in Aniga, Xukuumadayda iyo Xisbigaygaba aanu si dhab ah ugu hawlgalnay in ay doorashooyinkaasi ay wakhtigii loogu talo-galay ay ku qabsoomaan.”

“Waxaan ku kalsoonahay inay Somaliland xaalad kasta oo timaadda kaga gudubto wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin iyo wada jir. Sidaa darteed, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhan (Mucaarid iyo Muxaafidba); waxan u soo jeedinayaa in aynu wada tashi iyo walaaltinnimo aynu ku dhammaysanno arrimaheena, innaga oo sharciga ixtiraamayna. Walaalayaal, waxaa waajib innagu ah, inaynu wax walba ka hor marino danta Qarankeenna.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya safaraddii uu  baxay iyo duruufiihii uu indhihiisa ku soo arkay waxa uu yidhi “waxaan hore safar ugu soo maray inta badan Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Haddii aan warbixin kooban idinka siiyo safarkii xeebaha ee Saylac – Laasqoray oo aan muddo wiig ah ku hawlanaa, run ahaantii xeebuhu waxay leeyihiin duruuf u gaar ah oo u baahan in tixgelin gaar ah la siiyo. Sidoo kale, waa meel ay nimcooyin badani ku   duugan yihiin oo u baahan in laga faa’idaysto. Tusaale ahaan, Xeebteenu waxay dhereran-tahay 850 Kilo-meter! oo bad ah, taasoo nooc-kasta oo khayraadka badda laga helayo, nasiib darro iyadoo kalluunkeenii bannaanka usoo baxayo oo dad kale sharci darro ku guranayo, ayaa haddana dadkeenii ay ka gaajoonayaan, maxaa yeelay, waxaynu ahayn xoolo-dhaqato aan aqoon farsamada badda wax loogala-soo baxo.”.

Waxaanu intaas ku daray “Dawlad ahaan annagoo dareenkaa qabna, kana duulayna Xogihii aan soo helay, waxaanu u qorshaynay nidaam horumarineed oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Qorshaynta, Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Ciidammada Badda, taasoo loo qoondeeyey kharash dhan ilaa $1,800,000 oo Dollar kaasoo aan la kaashannay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund). Sidoo kale, waxaanu u samaynay doon-dhooliya (Ambulance), taasoo dadka kasoo qaadaysa xeebaha marka dhibaato lasoo deristo, maadaama ay adagyihiin waddooyinka dhulkaasi. Waxaanu xoojinay Ciidammada Badda, si ay u ilaaliyaan khayraadka dalka ugana qayb-qaataan ilaalinta Ammaanka guud ee dalka, iyadoo aan amar ku siinay inay caawiyaan bulshada dhibaataysan intii awoodooda ah.Lacagtaa $1,800,000 oo Dollar ah, oo loo qorsheeyey in lagu hirgaliyo 5 Mashruuc oo kala ah Maydh, Xiis, Lasqoray, Conqor iyo Berbera, Kharashkan oo aanu uga qoondaynay lacagta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund).Sidoo kale, waxaanu uga qoondaynay lacag dhan $3,100,000 oo Dollar, Deeqda aanu ka hellay EU-da, taas oo lagu hirgelinayo 4 mashruuc oo ah kaabayaasha Kalluumaysiga ee Lughaya, Saylac, Tokhoshi iyo Bula-xaar, iyo kobcinta awoodda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. “

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay maalgashiga dekadda Berbera iyo shirkadaha uu wada hadalka u dhexeeyo , waxaanu sheegay inay waajib ku tahay in maalgalin loo helo dekada si ay dalka iyo dalalka jaarka ah u baahi tirto.

Mar uu arrimaha dibada ka hadlayey waxa uu yidhi ”Somaliland, tan iyo intii aynu dhidibadda u taagnay ee aynu qaran noqonay illaa maanta waxaynu dedaal ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi uga heli lahayn beesha caalamka. Dedaalkaasi marxalado badan ayuu soo maray, waxaanan rumaysanahay in aynu maanta joogno meel uu caalamka intiisa badani garwaaqsaday gooni-isutaagga Somaliland iyo geedi socodka horumarka aynu gaadhnay. Waxa xoogaystay xidhiidhka aynu la leenahay Dawladaha Deriska, Waddamada Carabta, Europe iyo America. Waxaa ugu dambeeyey in ay Golaha Deegaanka ee Cardiff u gudbiyeen Raiisal Wasaraha iyo Baarlamaanka Ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka horraysay Sheffield oo tallaabadaa ku-dayashada leh hore u qaaday. Waanan uga mahadnaqaya, abaalna waynu ugu haynaa.  Waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay. Waxaynu si gaar ah ugu mahadnaqayna jaaliyadaha reer Somaliland ee arrinta ka midha dhalisay.

Xukuumadda aan Hoggaanka ka ahay, intii ay xilka haysay waxa ay hawsha aqoonsi-raadinta ka gaysatay gacan xoog leh oo muuqata. Waxa ogtihiin in aanu ku guulaysannay in ay beesha caalamku ku qanacdo inaynu nahay innaga iyo Somalia laba kala duwan (Two Separate Entities), taasina ay keentay in adduun weynuhu innagu dhiiri-galiyey in aynu wada-hadal isugu nimaadno labadeena dal.”

Mar uu ka hadlayey wada hadalka udhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia waxay socdeen muddo saddex sannadood aan ka badnayn, amba-qaadkoodana wada jir Xukuumad, Baarlamaan, Xisbiyada Qaranka iyo shacbigaba halkan ayeynu ku guddoonsannay. Arrimihii ugu muhiimsanaa ee kulamadaa lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in lays ixtiraamo, in aan la carqaladayn mashaariicda horumarineed iyo Maalgashiga ka socda labada dal, iyo in la abuuro Guddi Madax-bannaan, fadhigeedu yahay Hargeysa oo si wada jira u maamusha, ugana hagta Mashruuca Hawada Somaliland iyo Somalia ee ay wakhtigan Qaramada Midoobay gacanta ku hayso. Wixii dhaqaale kasoo baxana, loo qaybsado si siman oo xaq ah.

Nasiib-darro, wada-hadalladaasi ma hana qaadin, mana noqon wax midha-dhala. Waxaana u sabab ah, ka dib markii ay Madaxda Somalia ka baxeen dhammaan heshiisyadaa kor ku xusan”.

Waxaanu intaas ku daray “Waxan ugu baaqayaa Dawladda Somalia in ay si gobannimo leh u garwaaqsadaan runta iyo xaqiiqada jirta ee ah in aynu nahay maanta laba dawladood oo jaar ah, midawgii Lixdankii ina dhex maray wuxuu baaba’ay 1991-kii, 18-kii May, markii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay. Somaliland mar walba waxay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhammayo khilaafka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Somalia. Haddaba, waxaan beesha caalamka usoo jeedinayaa inay nagu dhex joogaan fagaaraha aanu ku gar-naqsanayno.

Sidoo kale, wuxuu khudbadiisa ku soo qaatay dagaalka ka dhanka ah Yemen iyo isbahaysiga, waxaanu yidhi “Muddooyinkan dambe, xasillooni darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaalada ka socda Dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaaladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka mid nahay. Dawladda Somaliland waxay Dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha adduunka. Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda Dawladda sharciga ah ee Dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeedda kooxaha qalalaasaha ka wada Dalka Yemen.

Madaxweynuhu wuxuu eedeen usoo jeediyey dad uu sheegay inay Ciidanka amniga waxa ka sheegeen oo qoraalo u diray dalalka taageera dib u habaynta  ciidanka, waxaanu yidhi “ Waxaa ayaan darro ah in masuuliin Qarankan xil ka haya ay bar-tilmaameedsadaan qaar ka mid ah ciidammadeena, iyagoo qoraallo u diray Dalal aynu saaxiib nahay oo ay kaga dalbanayaan in ay ka joojiyaan taageerada iyo tababarrada ay siiyaan Ciidanka.

Waxaan leeyahay ciidammadu dhammaan waa Ciidammadeenii, waxaanay heegan u yihiin ilaalinta ammaankeena. Waa kuwa aynu ku seexanno ee ku degannahay, ma geyaan in la maago ama sumcaddooda la dilo oo caawimada lagala dagaalamo.

Ciidammada RRU-da, waa “Ciidammada Degdega u Hawlgala”, waa Ciidammo u diyaarsan inay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaalaha qarankan halista gelin kara, cadaw maaha, waxna ma dilaan, waxna ma boobaan. Umaanu samayn in ay cabudhiyaan xorriyaatka iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Waxaa qalad ah oo qadaf ku ah dhaqanka Dawladnimada in aad ciidankii dalku lahaa, dacaayadeyso oo dunida waraaqo liddi ku ah u qaybiso. Waxan leeyahay ka waantooba oo dib isugu noqda.”.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in madaxweynaha Puntland la raali galiyey hadalo gef ahaa oo ka soo yeedhay maamulkiisa, waxaanu yidhi “In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka.”

Khudbadbadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee muddo xileedkiisa shanta sanadood ee la doortay jeediyo, haseyeeshee waxa khudbadiisa dhaliilay xildhibaanadda mucaarad ah oo ku tilmaamay mid aan wacno badan lahayn, isla markaana la mid ah khudbadihii hore ee uu soo jeediyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland