4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2015
Dibadbaxyo Islaam Nacayb ah oo ka dhacay Waddanka Jarmalka (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Banaanbaxyo looga soo horjeedo Islaamka ayaa kusii fidaya Qaaradda Yurub, iyadoo ay barbar socdaan kuwo kale oo lagu taageerayo Islaamka, waxaana dibadbaxyadu ay ka dhaceen dalka Jarmalka, iyadoo booliiska ay is-hor-taageen mudaaharaad ka dhici lahaa magaalada Cologne.

Magaalada Dresden ayaa waxaa isugu soo baxay 18,000 oo qof, kuwaasoo kasoo horjeeday dadka soo-galootiga ah iyo Islaamka, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen kooxaha cunsuriyiinta ah oo neceb Islaamka.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo Islaam naceyb ah, iyadoo wata sawirro masjid oo lagu dul-qornaa calaamad Block ah, iyadoo tani ay keentay inay ka caroodaan dadka ku nool dalka Jarmalka ee muslimiinta ah.

Sidoo kale, dibadbaxyo lagu taageerayo islaamka iyo dadka qoxootiga ah ee dalkaas galaya ayaa ka dhacay magaalooyinka dalka Jarmalka qaarkood, waxaana shacabka dhigayay ay wateen boorar ay kusoo dhaweynayaan dadka soo-galootiga ah.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Jarmalka ka dhacay falal isir naceyb ah oo dad madow ah lagu weeraray, waxaana booliiska dalkaas ay u qab-qabteen falalkaas kooxo cunsuriyiin ah oo ay horay u diiwaan-geliyeen.

Waddanka Jarmalka ayaa albaabada u furay dadka soo-galootiga ah, taasoo keentay inay dad uga soo horjeestaan dadka Jarmalka ah ee diidan dadka soo-galootiga ah iyo Islaamka.

Ugu dambeyn, bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku qulqulayay Jarmalka soo galooti badan oo u ka kala imaanaya dalalka Suuriya, Ciraaq, dalal ku yaalla Afrika Iyo Soomaliya.

C/rashiid Shaam, Hiiraan Online
[email protected]
Dalka Jarmalka