9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2015
WARBIXIN: Dagaallada Ciidanka Puntland iyo Al-shabaab ee ka socda Galgala


Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya inay 17 qof  oo ka tirsan Puntland iyo Al-shabaab ay kaga dhinteen dagaallada ku dhexmaraya illaa shalay buuraha Galgala ee gobolka Mudug, iyadoo tiro intaas ka badanna ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in dhankooda ay ka dhinteen shan askari, shan askari oo kalena ay dhaawac kasoo gaareen, ayna sidoo kale Al-shabaab kaga dileen dagaalka 12-ruux, intaas ka badanna ay ka dhaawaceen.

Goobjooge isaguna u warramayay VOA ayaa xusay inuu dagaalka maanta ka deegaan lagu magacaabo Dacareeye oo ka tirsan Galgala, isagoo ku daray inay maqlayaan hubka culus ee ay dhinacyadu is-weydaarsanayaan, wuxuuna intaas ku daray in dagaallada maanta ay ka qayb-qaadanayaan diyaarado dagaal oo aan la ogeyn cidda iska leh.

“Hubka culus ee ay adeegsanayaan ciidamada dagaallamaya waan maqlaynaa, laakiin ma garan karno khasaaraha ka dhashay, dagaalkuna waa mid ka culus kuwii horay uga dhici jiray deegaanka,” ayuu yiri goobjoogahan oo magaciisa qariyay.

Sidoo kale, goobjoogahan ayaa xusay in dagaalka ay ciidamo badan oo ka tirsan Puntland ay dagaalka ka qaybqaadanayaan, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dagaalku uu ula muuqdo in lagu kala guuleystay oo uu meelo ka fog halka uu ka billowday laga maqalyo hubka la is-dhaafsanayo.

Xaaladda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa deggen iyadoo isbitaalka degmadaas la gaarsiiyay askar ka mid ah kuwii ku dhaawacmay dagaalkan, inkastoo aysan si rasmi ah weli uga hadlin dagaalka maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaadee, dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu xooganaa ee Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmara Galgala tan iyo sannadkii hore markii ay Puntland sheegtay inay Al-shabaab ka saartay Galgala. Inkastoo Al-shabaab ay weli ka hadlin dagaalka maanta ka dhacaya Galgala.

Wixii kusoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya