Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga oo Xariga ka jaray Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho (SAWIRRO)
Sabti, Janaayo 24, 2015 (HOL) — Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo dayac-tir ay ku sameysay hay’adda horumarinta Turkiga ee TIKA ayaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray furay, iyadoo uu xarigga ka jaray wasiirka caafimaadka dalka Turkiga, Mehmet Muezzinoglu.
Howlihiisa Isbitaalka Digfeer ayaa waxaa ka mid noqon doonaan tababarro iyo baaritaano caafimaad ayaa waxaa lagu furay 200 oo sariirood, sida ay sheegtay TIKA oo furitaanka kaddib warbixin soo saartay.
Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in maamulka isbitaalka ay shanta sano ee soo socota gacanta ku hayso xukuumadda Ankara, iyadoo xilligaas kaddibna lagu wareejin doono maamulkiisa xukuumadda Somalia.
Isbitaalka ayaa waxaa la qorsheeyay in sannad walba uu tababarro dhanka caafimaadka ah siiyo 36 kalkaaliye oo Somalia ah, kuwaasoo isugu gabdho iyo wiilal isugu jiri doona, sida hay’adda TIKA ay shaacisay.
Muddada shanta sano ah ayaa dhaqaalaha kasoo bixi doona Isbitaalkan lagu qiyaasay 135.7 milyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo Turkiga ay isla muddadaas ku bixin doonaan 85.6 milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Sidoo kale, isbitaalka ayaa waxaa ka howlgeli doona 52 ruux oo Turki ah iyo 91 ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo isugu jira dhakhaatiir, maamulka guud ee isbitaalka iyo maamulka lacagta.
Ilaalada sugi doona amniga isbitaalka Digfeer ayaa waxaa la sheegay in loo qoondeeyay 40-qof oo Soomaali ah iyo shan Turki ah, kuwaasoo gudaha iyo illinka hore ee isbitaalka ka howlgeli doona.
Dhanka kale, qaybaha isbitaalku uu ka kooban yahay ayaa kala ah; qaybta carruurta; midda caafimaadka hooyada iyo umulisada, baarista kaadida iyo neerfaha, qalliimada casriga ah, xanuunnada uur-ku-jirta, qalliimada guud, suuxdinta iyo qaybaha indhaha iyo ilkaha.
Ugu dambeyn, isbitaalka ayaa ku fadhiya dhul cabbirkiisu yahay 13,500 oo mitir oo isku wareeg ah, wuxuuna dhismihiisu ka kooban yahay 12 qol oo la jiifin doono bukaannada, 14-qof oo gargaarka deg-degga ah, afar qol oo ah kuwa qalliinnada, qolka umulinta iyo weliba qaybaha raajada iyo shay-baarka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya