9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 14, 2015
Bannaanbax lagu diidanaa Wareejinta Warshada layrka oo Berbera ka dhacay


Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo wareejinta warshada layrka magaalada Berbera oo ay horay u maamuli jirtay Somaliland, ayaa xarunta gobolka Saaxil ee magaalada Berbera ka dhacay maanta.

Dadweynahan ayaa ka careysnaa warshada laydhka Berbera oo xukuumaddu ku wareejisay ganacsato, haseyeeshee dadweynaha magaaladda Berbera ayaa arrintaasi si weyn uga soo horjeestay, kuwaas oo ku baaqay in lagu wareejiyo dawladda Hoose ee Berbera.

Booliiska Berbera ayaa rasaas ku kala dareeriyay Bulshada ka cabanaysay in Warshadda Laydhka Dawladda ee Berbera lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay.

Xukumadda ayaa dhawaan ganacsato ku wareejisay Warshaddii laydhka Hargeysa iyo Berbera, taasi oo ay sheegtay in shacabka uga jabnaan doonta xaga qiimaha sidii ay wakhtigii hore ahaan jirtay.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar oo warbaahinta la hadlay ayaa dibad-bax kooban ku sheegay mudaaharaadkii manta ka dhacay Berbera ayna dhigeen shacab si iskood ah isugu soo baxay, halka uu sheegay in dad kale ay dabada ka riixayeen dibadbaxa.

Badhasaabka ayaa sheegay in warshaddda Laydhka ee Berbera si wadaag ah u wada yeelan doonaan xukuumadda iyo dad ganacsato.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanadda golaha deegaanka Berbera ayaa si wada jir ah u qaadacay wareejinta shirkadda Laydhka Berbera lagu wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay, taasina waxay ka hor imanaysa go’aankii xukuumaddu ku wareejisay shirkadaasi.

Maalmahan dambe ayaa khilaaf xoogani ka taagna qaabka xukuumaddu ugu wareejisay warshadda layrka Berbera taasoo shacabka iyo xildhibaanadda golaha deegaanka Degmada Berbera ka soo horjeesteen, iyagoo sheegay inay waajib tahay in dawladda hoose maamusho.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland