4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 6 , 2015
War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dowladda FS iyo Maamul-Goboleedyada (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 06, 2015 (HOL) — Kulammadii wadatashi ahaa ee Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur-Galbeed ayaa laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in la abuuro madasha wada-tagshiga madaxda sare ee dalka iyo kuwa maamul-goboleedyada, iyagoo isku raacay in kulankan midka xiga lagu qabto magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Haddaba, halkan hoose ka akhriso War-murtiyeedkii kasoo baxay kulankii Muqdisho ay ku yeesheen; Xasan Sheekh, Axmed Madoobe, C/weli Gaas iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

01. In la abuuro lana joogteeyo madasha wadatashiga madaxda sare ee dalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada xubnaha ah; iyadoo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garoowe, bisha April ee sannadkan 2015.

02. Waxaa jiri doona guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha madasha.

03. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016; wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin dowladda Somalia iyo maamullada xubnaha ka ah dowladda FS.

04. Waa in la dardargeliyo dhismaha dowlad-goboleedyada dalka ee harsan iyo guddiyada dastuuriga ah ee madaxa bannaan si loo dhameystiro hanaanka federaalka.

05. Waxaa la isla gartay in la dhiso guddi heer wasiirro ah oo ka kala socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ah; kaasoo dib u eegis iyo dar-dargalin ku samayn doona qorshayaasha cahdiga cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

06. Waxaa la isla gartay in dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya xafiiska heer federaal.

07. In si wadajir ah dalka Somalia looga suuliyo kooxaha argagixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.

08. In la dedejiyo dhismaha guddiga dastuuriga ah ee amniga Qaranka.

09. Inta la gaarayo dhismaha guddiga amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso guddi ka kooban DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ka talo-bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel-mariyo dhammaan heshiisyada la galo.

11. Waxaa la isku raacay in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyadoo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay beesha caalamku la garab-joogto Somalia, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

Si kastaba ha ahaatee, kulammadii Muqdisho ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada qaarkood Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah madaxweynaha maamulka Galmudug oo aan shirkaan lagu casuumin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya