10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Ciidanka Badda Somalia oo Maanta u dabaal-dagay Aasaaskoodii (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta xusay sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay oo ku beegnayd sannadkii 1965-kii, inkastoo uu burbur xooggan ku yimid markii la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Munaasabadda xuska aasaaskii ciidamada badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay saraakiil kala duwan oo ka socda ciidamada dowladda sida kuwa millateriga, cirka iyo badda, iyadoo uu goobjoog ka ahaa sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin ka socday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.

Ciidamada badda Somalia ayaa soo bandhigay intii xafladdu socotay gaaddo-ka-ciyaar iyo dhoolla-tus ay ku muujinayeen tababarka la siiyay sida ay uga howl-geli karaan xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, Admiral Maadey Nuurey Sheekh (Ufurow) oo ka jeediyay khudbad munaasabadda ayaa hambalyo u diray ciidamada badda Somalia, isagoo ka hadlay marxaladihii ay soo mareen ciidamada badda tan markii la aasaasay.

Ugu dambeyn, Admiral Ufurow ayaa fariin u diray madaxda dowladda Somalia; isagoo ka dalbady in ciidmadda badda ay u baahan yihiin tababaro sare loogu qaadayo aqoontooda, wuxuuna xusay inay xaalad adag ciidanku ku shaqeeyaan; aysanna ka muuqan xirfadii iyo aqoontii ciidamadii hore ee badda Soomaaliya lagu yiqiinnay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya