10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2015
SAWIRRO: Ceelbuur oo aysan shacab ku noolayn iyo Xildhibaano ka dayriyay Xaaladda ay ku jirto


Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay weli barakac uga maqan yihiin.

Magaalada Ceel-buur oo 100-km dhanka Bari kaga beegan degmada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa waxaa Al-shabaab lagala wareegay 26-kii Maarso 2014-kii, kaddib dagaal muddo socday oo ciidanka Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-shabaab dhexmaray.

Shacabkii degmadaas ku noolaayaa degmadaas ayaa intooda badan ka cararay dagaallada, halka kuwo kalena ay noolo xumo uga carareen, waxaana weli ay ku nool yihiin deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Deegaannada ay shacabkii ka barakacay Ceelbuur haatan ku nool yihiin ayaa waxaa ka mid ah; Ceel-qooxle, Derri, Jacar, Dac, Ceel-la-helay iyo Ceel-shiil oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xaalad dhanka nolosha ah ay ka jirto degmada Ceel-buur, iyagoo ku baaqay in xaaladda ka jirta Degmadaas wax laga qabto.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in degmada Ceelbuur ay weli ku jirto go’doon ay gelisay Al-shabaab, waana sababta ugu weyn ee keentay in shacabkii horay ugu noolaa degmadaas ay dib ugu soo laaban waayaan.

"Degmada Ceel-buur xaalad nololeed oo adag ayaa ka jirta, waxaana ku talinayaa in dadka u dhashay degmada iyo maamulka Galmudug ay ka tashadaan sidii ay mustaqbalka Ceel-buur ka yeeli lahaayeen," ayuu yiri xildhibaan, Mahad Sheekh Cali Cibaar oo baarlamanka Galmudug ka tirsan.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayaa waxaa Ceelbuur booqday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kuwaasoo si aad ah uga dayriyay xaaladda ka jirta degmadaas, kana dalbaday dowladda Somalia inay wax ka qabato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya