11/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2015
Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo ka shiray horumarinta dhalinyarada [Sawirro]


Isniin, December 14, 2015 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dowladda Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Xasan oo ay wehlinayeen wasiirrada dhalinyarada iyo isboortiga dowlad gobleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfur gableed iyo weliba xubno ka socday xiriirka olombikada Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ayagoo yeeshay kulan ay uga hadlayeen horumarinta dhalinyarada.

Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay wasiirka arimaha bulshada iyo Waxbarashada Jubaland Max’ed Ibraahim Max’uud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

Soo dhaweyn kadib waxa ay madaxdani tageen xarunta wasaaradda arimaha bulshada Jubaland, halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururrada dhalinyarada iyo haweenka ee Jubaland.

Madaxdan ayaa khudbado ay halkaasi ka jeediyeen ku sheegay in hadafka isu imaatinkoodu yahay sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada.

Wasiirka dhalinyarada Puntland C/raxmaan Sheekh Axmed, wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Koonfur Galbeed C/laahi Cabdi Cumar, Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Galmudug Warsame Max’ed Xasan oo dhammaantood khudbado ka jeediyay madasha ayaa waxa ay sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in dhalinyarada la dhiirigeliyo islamarkaana loo sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah.

Wasiirka arimaha Bulshada Jubaland Max’ed Ibraahim Max’uud ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ee isugu yimid magaalada Kismaayo ay muujineeyso sida uu dalku u hiigsanayo dowladnimo iyo horumar, islamarkaana xusay in Soomaaliya ay dib usoo noolaatay.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Sheekh Axmed oo ugu danbeyn hadal ka jeediyay madasha ayaa sheegay in isu imaatinka wasiirada ka tashanaya aayaha umadda ay marqaati ka tahay in nidaamka federalka ah uu ka hirgalay dalka, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in ay horumariso dhalinyarada oo uu sheegay in ay tahay hormuudka umadda.

Bilowga sanadka cusub ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay martigeliso shirweeyne looga hadlayo horumarinta dhalinyarada, kaa oo ay kasoo qeybgali doonaan dowlad gobleedyada, ururrada dhalinyarada ee dalka ka jira iyo qurbajoogta Soomaaliyeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.