11/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2015
MADAXWEYNAHA: Wada-tashigu waa Fursadda Mustaqbalka Siyaasadeed ee Dalka (SAWIRRO)


Axad, December 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadka 2016-ka, ayaa sheegay in madashani ay fusad u tahay shacabka Soomaaliyeed si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda siyaasadeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galay madaxda maamul-goboleedyada dalka sida; Jubballand, Galmudug, Puntland, Koonfuur Galbeed Somalia iyo xubno ka socday gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Ururrada Bulshada Rayidka, Wakiillada Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

“Madasha Wada-tashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeenna Dowlad-dhisidda ee aan mudada soo wadnay. Waxaan idiin sheegayaa in ka hor inta aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada dalka aan muddo saddex maalmood ah ku jirnay wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeenna. Maantana waxaan u joognaa halkan inaan aaraadiina dhegeysanno, talo isku darsano, aan faaqidno tallooyinkii laga soo uruuriyay shacabka labadii bil ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina aan qaadanno talo mid ah,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha DFS ayaa intaa ku darey in loo baahan yahay in kulammada noocaan ah ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay, aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo weliba horumar.

“Inagoo wadajirna ayaan horumar ku gaari karnaa. Waddankeenna dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo maray. Ma dooneyno in xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeenna. Waxaan u baahan nahay inaan la imaanno is-cafin, wada-noolaansho iyo inaan abuurno jawi nabadeed oo cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira naga saara. Waa dhab inaan wajahayno ama dhamaanteen aan wada doonayno inaan qaadano nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horay loo tijaabin. Waa inaan cabsida iyo shakiga meel iska saarnaa, geesinimana aan ku wajahno mustaqbalkeenna, waana hubaal inaan guuleysanayno, inagoo ah ummad wadajirta,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in hannaankan socda uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.

“Beesha Caalamka iyo dalalka kale ee ina taageeraya kaalintooda waa fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala duwan ee dalka ay ka dhacaan shirar wadatashi oo shacabka fikirkooda lagu dhegeysanayo. Waana taa tan lagu dhisi karo hannaan dimuqraa-diyadeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa Ilaahay mahaddii in safar dheer kaddib aan maanta soo gaarnay meel aad muhiim u ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aam-inayaan, talana ay ku leeyihiin,’’ ayuu Xasan Sheekh khudbaddiisa ku yiri.

Madaxweynaha Somalia ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta ay ka qaadatay fududeynta wada-tashiyadan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Somalia, isagoo dhanka kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga faa’iideystaan taageerada Beesha Caalamka ee dalkeena dib loogu dhisayo.

Ugu dambeyn, shirka ayaa waxaa kaloo khudbado ka jeediyay guddoomiyaha baarlamanka FS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Odawaa, madaxda maamul goboleedyada dalka, dublamaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya