Sabti, Ogoosto 15, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi oo ka mid degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidammo ka tirsan Millateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya halkaa dagaal ku dhaxmaray.
Sida ay Warbahinta u sheegeen Goobjoogayaal ku sugan degmada Jalalaqsi lama Garanayo Sababta Rasmiga ah ee Dagaalka dhalisay, balse waxay Wararku Sheegayaan inuu Geystay Khasaare dhimasho oo soo kala gaaray dhinacyadii uu dagaalku ku dhexmaray degmadaas.
Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinkii xoogagii xarakada Al-shabaab billowgii Sanadkan aynu ku jiro ee 2015-ka ay ka Saareen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo iskaashanaya.
Maamulka Degmada Jalalaqsi iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda FS ayaa la Sheegayaa inay markii dambe ku guuleysteen joojinta dagaalka oo walwal iyo baqdi ku abuuray dadka rayidka ah ee ku nool Degmadaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]Beledweyne, Soomaaliya