2/24/2025
Today from Hiiraan Online: Somalia clears UN arrears, secures voting rights and securit...
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 1 , 2015
Wafdi ay Hogaaminayso Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo gaaray Jowhar


Arbaco, Abriil 01, 2015 (HOL) — Wasiiradda caafimaadka Somalia, Xaawo Maxamed Xasan iyo wafdi ay hoggaaminayso oo ka socotay dowlada Qadar ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka kubbada cagta ee Jowhar oo ay geysay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah waxayna kulan la yeesheen madaxda maamulka gobolka iyo kan degmada.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa sheegtay in ujeedadda booqashadeeda ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahayn xaaladda caafimaad ee gobolka Shabeellada dhexe ka jirta.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka socotay xukuumadda Qadar iyo hay’ada Qadar Charity oo uu hoggaaminayay Ibraahin Cali.

Mas’uulka Qatar Charity, Ibraahin Cali ayaa isna sheegay in mashaariic kala gedisan ay ka hirgelinayaan gobolka, isla markaana ay mashaariicdaas oo dhinaca horimarinta bulshada ah ay ku bixin doonto hal malyan oo doollar.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cali Guud-laawe ayaa sheegay inuu kusoo dhoweynayo wafdigan heerka wasiir ah Jowhar uuna ku faraxsan yahay in Jowhar oo ah magaalo nabadeed ay wafdigan soo booqdaan.

Ugu dambeyn, wafdiga gaaray degmada Jowhar ayaa ah wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda dowladda Somalia oo soo gaara magaaladaas muddo dhowr bilood ah gudahood.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya