4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Afar Fanaan oo ka mid ah Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska oo Xabsiga loo Taxaabay


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Afar ka mid ah Fannaaniinta kooxda Xidigaha Geeska oo Maalmihii Ciidul-Adxa Bandhig-faneed ku soo bandhigay magaaladda Muqdisho ee Somalia.

Fanaaniint ayaa maanta markii ay kasoo degeen garoonka Cigaal international ee Hargeysa Ciidamada Amnigu Xabsiga u Taxaabeen kaddib markii ay kasoo laabteen Muqdisho.

Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska, Xasan Saleebaan Dhuxul [Laab-saalax] ayaa u Xaqiijiyay Saxaafadda xariga fannaaniintan, kuwaas oo kala ah Xamda-Queen, Maxamed- Cirro, Nimcaan-Hillaac iyo Cabdiraxmaan-Oday.

Guddoomiyaha Fanaaniinta Xidiga geeska Xasan Saleebaan Dhuxul laab-saalax, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga fanaaniinta kooxdaasi xabsiga.

Laab-saalax ayaa xusay in fannaaniintu aanay Xuduud lahayn, isla markaana meel kasta oo Afka Soomaaliga looga hadlo ay tagi karaan iyagoo Taageerayaashooda Gaarsiin doonaan Fankoodda.

“Afar xubnood oo kooxda kamid ahaa fanaaniinta Xidigaha geeska ayaa maanta la xidhay, illaa hadda xukuumadu ma xaqijin sababa loo xiray, balse waxay daba-socdataa xarigoodu tagitaankii ay tageen Muqdisho, balse fanaaniintu waxay ka mid yihiin ururada Bulshadda, Dhakhaatiirta, Wariyeyaasha iyo Ganacstadda oo midkoodna xuduud ma leh, meel kastoo Somali joogta way tagi karaan, Fannaaniintu siyaasiyiin maaha”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska Xasan Laab-saalax.

Si kasta ha ahaatee, xukuumaddu ilaa hadda kama hadal sababta loo xidhay Fannaaniinta, isla markaana dadka shacaba ah dambi may ahayn inay tagaan Somalia, marka laga reebo siyaasiyiinta xilal ka qabta Soomaaliya oo dastuurku sheegayo in la xidho haddii uu dalka ku soo laabta haddii aanu cafis waydiisan xukuumadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland