10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2015
Siliaanyo: Waxaan leeyahay wasiirradii Is-casilay Alle meel khayr leh ha idin mariyo (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta muddo dheer kaddib booqday xaruntii xisbigiisa Kulmiye, isla markaana qaatay kaadhkii shirweynaha golaha dhexe lagu galayey oo maalmihii u dambeeyey ka socday xarunta xisbigaasi ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay garab socdaan xubnihii wasiiradda cusbaa qaarkood ayaa sheegay in xisbiga kulmiye lagu dhex tartamayo, isla markaana  u mahad naqay wasiiradii iska casilay xukuumadiisa iyo kuwa joogaba.

Guddoomiyaha guddida sameynta kaararka aqoonsiga xubnaha golaha dhexe oo kusoo dhaweeyay madaxweynaha xarunta xisbiga ayaa hadalkiisa ku bilaabay  “madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, waan kugu soo dhaweynaynaa xarunta xisbiga, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu  iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”

Guddoomyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa isna kusoo dhaweeyey Siilaanyo booqashadda uu xarunta xisbiga ku yimid iyo qaadashadda kaadhka xubinimadda golaha dhexe.

“Maanta waxaa farxad weyn inoo ah, madaxweynaha Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye inuu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey xafiiskii xisbiga,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxaanu intaas ku daray. “Maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen in madaxweynuhu cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu faq iyo fagaaraba aanu aniga wax eexasho ah  iyo garab-taabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aanu sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadi ah. Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa  howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay  inaanu kala fadhiisano.”

Ugu dambeynta, madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbigu yahay mid dimuqraadi ah, isla markaana khayr u rajeeyey wasiiradii is casilay.

“Farxad wayn bay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawladda weeye, xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah dhex-diisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay ALLE meel khayr leh ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawladda waxaanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe,” ayuu yidhi madaxweyne Silaanyo.

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri “waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

Intaas ka dib madaxweynuhu wuxu iska diiwaangeliyey xafiiska kaadhadhka aqoonsiga golaha dhexe laga qaadanayo, waxaana isla goobtii laga qaaday sawir kur ah oo kaadhka aqoonsiga lagu dhajinayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]   
Hargeysa, Somaliland