10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2015
VIDEO: Shirkad Soomaaliyeed oo ka mid noqotay kuwa Caalamka ugu Tayo Wanaagsan


Arbaco, Oktoobar 28, 2015 (HOL) — Shirkad Soomaaliyeed oo ka ganacsatada hilibka iyo cunnooyinka kale oo xarunteedu tahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa loo aqoonsaday in ay ka mid tahay shirkadaha ugu tayada-wanaagsan dunida oo dhan, kaddib markii laga soo xushay shirkado badan oo ka qayb-galay bandhiga carwooyinka caalamiga ah oo dhawaan lagu qabtay Jarmalka.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Daruuqul-Hudda ayaa waxay calaamiga ka kala keentaa noocyada kala duwan ee hilbaha xoolaha iyo cunnooyin kale, waxaana xiriir la leh dad aad u badan oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira.

Madaxa shirkaddan Abuubakar Mubaarak Cabdalla ayaa ka warramaya sababta kalliftay inay shirkadooda ka mid noqoto kuwa ugu tayada-wanaagsan dunida. Wuxuuna yiri. “Waxyaabaha shirkaddeenna horumarka u sababay waa ka qayb-gallka bandhigyada caalamiga ah.”

DAAWO: Warbixin ku Saabsan Shirkadda Daruuqul-Hudda iyo Horumarkeeda;

Abubakar ayaa wuxuu intaas ku daray inay jiraan shirkado boqolaal sano iiyo ka badan soo jiray, balse ay iyagu fursad u heleen inay muddo kooban kusoo kooban dhammaan mac-luumaadkii ay u baahnayd shirkaddooda si ay horumarka maanta la gaaray u soo higsato.

Dhanka kale, shirkadaha Soomaalidu leedahay ayaa waayadan dambe si aad ah loogu arkaa bandhigyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in dhaqaalaha Somalia uu soo kobcayo iyo horumarka uu dalku hiigsanayo.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia