11/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2015
RW Somalia oo ka Warbixiyay Shirkii Dhaqaale Ururinta Qoxootiga Somalia (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 24, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha XF Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safar ay ku tageen magaalada Brussels ee xarunta Belgimka halkaasoo uu ka dhacayay shir dhaqaale loogu aruurinayay qoxootiga Soomaaliya ee doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, laakiinse ay xanibeen duruufaha dhaqaale iyo farsamo.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waxaana kasoo qayb-galay xubno matalayay in ka badan 40 dawladood, hay’adaha ku shaqada leh qaxootiga, wafdi sare oo ka socday dawladda Kenya iyo wafdi uu horkacayo RW Xukuumadda Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sidoo kale, kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii dhaqaale lacageed loogu heli lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya, kuwaasoo si iskooda ah diyaar ugu ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, basle aan haysan dhaqaale ay dib ugu soo laabtaan.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa markii uu saaka Muqdisho dib ugu soo laabtay, waxa uu sheegay in shirkaas uu ahaa mid muhiim ah isla markaana dhaqaale loogu sameynayay qaxootiga Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo, qoxootiga aan ka hadlayno ma ahan in si qoor qabad ah dalka dib loogu soo celinayo, qorshahani waa mid ballaaran oo la rabo in la abuuro marka hore jawi leh adeeg hufan oo ay nolol wanaagsan ku heli karaan qoxootiga soo noqda. wuxuuna socon doonaa muddo afar sano ah,” ayuu yiri Sharma’arke oo carabka ku dhuftay in dowladda oo kaashaneysa QM iyo Midowga Yurub ay u howlgali doonto sidii loogu diyaarin lahaa dadkaasi dib ugu soo laabanaya dalkooda goobihii iyo adeegyadii lagama maarnaanka u ahaa nolosha.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa la sheegay in lagu yaboohay lacag ka badan 100-milyan oo doollarka Mareykanka, si dib u dajin loogu sameeyo qoxootiga dib ugu soo laabanaya Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya