9/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2015
Xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ka dagto Nairobi oo noqotay meel dadka laga Tahriibiyo (Sawirro)


Khamiis, Oktoobar 22, 2015 (HOL) — Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi waxaa ka jiro guryo la’isugu geeyo dhallinyarada tahriibeysa ee u socota dalalka Yurub.

Dhallinyarada ayaa laga kala keenay dhulka Somaalida degto, waxaana la sii mariyaa alaaba, dalka Koofurta Sudan oo ay oga sii gudbaan dalka Liibiya si ay u gaaraanTaliyaaniga.

Mid ka mid ah Guryahaasi oo uu tagay weriyaha BBC, Axmed Xaji Xasan, ayaa waxa uu ku arkay dhallinyaro isu diyaarinaya inay tahriibaan, waxaana ka mid ahaa gabdho.

Dadka tahriibinta ka shaqeeya ma ogola in dhallintaasi la wareysto ama loogu tago gurigaasi, sidaa darteed dhallinyaradan tahriibta u socoto waxa ay Axmed Xaji ka codsadeen inuusan korka ka sawirin guriga.

Daahir oo ka mid ah dhallinyaradaasi waxa laga soo kexeeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu dallaaliinta kula heshiiyay illaa Sudan iney geeyeen.

Waxa markiisii hore laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga, “Lacagtii aan Sacuudiga ka soo shaqeystay ayaa ku tahriibayaa ee aniga guri la iima soo gadin, anigaa is kexeynaya”, ayuu yiri Daahir.

Zamzam waxa ay ka mid tahay tahriibayaashan isu diyaarinaya inay safarka dhibka badan u bareeraan. Waa ay shaqeysaa, laakiin kuma qanacsana shaqada halkan ee Nairobi.

“Waxay dallaaliinta iisheegeen in 4 kun oo dollar ay igu bexeyso safarkeyga, haddii aan lacagtaas isdhoho ku shaqee waa qasaaro oo Nairobi waxba lagama faa’iidaayo”, ayey Tiri Zamzam.

Waxayna ku adkeysatay inaysan ka baqeynin geerida oo ay dooneyso inay nolol wanaagsan ay Yurub ka hesho, ehelladeedana ay caawiso.

Dhallinyarada waxa ay hal qabsi ka dhigtaan “inta dhimatay inta badbaaday baa ka badan”, sida uu wiil dhallinyaro ah oo ka yimi Ceelwaaq uu sheegay.

Wiilkaasi waxa uu qirsan yahay in safarka uu dhibbadan yahay, hadana waxa uu ku doodaayaa in sheegidda kuwa dhintay la badiyay, taasna aysan saameyn ku yeelaneynin safarkiisa.

Inkastoo ay jiraan dhallinyaro is abaabulay oo la dagaallama tahriibta, hadana way ku adagtahay inay ogaadaan meelaha dhallinta la isugu geeyo iyo xilliyada ay baxayaan.

Cabdiraxmaan Samadoon oo ka mid ah kooxda Badbaado, waxa uu da’yarta kula taliyay inaysan naftooda halligin oo ay iska daayaan safarada dhibka badan.

“Shaqo halkan ayaad ka heli kartaa oo noloshaada ku dhisi kartaa, balse yaa kuu xaqiijiyay inaad ka badbaadeyso saxaraha ama badda, ma jirto, hadaba iska daaya tahriibta oo dadkaaga halkan adigoo jooga wax u qabo”, ayuu yiri Samadoon.

600 oo kun oo qof ayaa sanadkan oo keli ah lagu qiyaasayaa inay galeen dalalka Yurub, kuwaas oo si sharcidaro ah kaga gudbay xuduudaha qaaradaasi.

Dadkaasi badan kooda waxa ay ka kala tageen dalalka, Suuriya, Afghanistan, Eritereya, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Kumannaan qof na way ku dhinteen intii ay ku guda jireen safarada badaha ay uga gudbayaan, si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

XIGASHO: BBC SOMALIA