10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2015
KENYA: Waxbarashada Gobalka NEP oo socon doonta xitaa haddii Macalimiintu ku noqonin


Isniin, Oktoobar 19, 2015 (HOL) — Dadka ku nool gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya, ayaa wacad ku maray iney taageero xooggan u fidin doonaan dugsiyada waxbarashadda ee ku yaallo gobalkaas oo mudo sanad ku dhow macalimiin la’aan ahaa madaama ay horay ay u diideen barayaashu iney ku noqdaan gobalkaas oo macalimiin lagu dilay.

Cadnaan Sheekh oo ah agaasimaha waxbarashada ee maamulka Gaarisa, ayaa sheegay in 25 dugsi oo ku yaallo gobalkaas, gaar ahaan kuwa xuduuda ku dhow ay qarka u saarmeen in albaabada la iskugu dhufto ka hor inta aysan dadka deegaanku u gurmanin.

Cadnaan wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay shaqaaleeyaan ardaydii horay dugsiga sare u dhamaysay ee aanan jaamacadaha tagin.

“Ilaa 243 Iskuulo waxbarasho oo ku yaallo deeganadaasi, ayaanan helin xaquuqdii ay ku lahaayeen Wasaarada Waxbarashada iyo Guddiga adeega macalimiinta Kenya ee TSC, oo ay ka mid aheyd in ay macalimiin u keento, madaama kuwii hore ay diideen”, ayuu yiri Cadnaan oo intaas ku daray in shacabka deegaanadaas ay isku tashteen ayna waxbarashadu sii socon doonto xitaa haddii Macalimiintu aysan ku noqonin gobalkaas.

Dhanka kale ardayda wax ka barato Iskuulada ku yaallo gobalka waqooyi Bari Kenya, ayaa hada waxey qeyb ka yihiin ardayda u fadhiso Imtixaanada Form Four-ka ama fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee Kenya (KCSE).

Sidoo kale, Ardayda fasalka Sideedaad ee Dugsiyada hoose, dhexe ee Kenya, ayaa iyagana la sheegay iney diyaar u yihiin ka qeyb-galka Imtixaanaadka KCPE Kenya oo lagu wado iney dhawaan biloowdaan.

Ugu dambeyn, gobalka waqooyi-bari-Kenya, ayaa ilaa bishii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay wuxuu ahaa macalimiin la’aan kaddib markii ay diideen Macalimiintii aanan u dhalanin gobalkaas ee ka shaqeyn jiray, oo sheegay in naftoodu ay khatar ku gali karto madaama Barayaal lagu dilay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya