5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2015
Isku-soo-bax nabadeed ay ka qayb-galeen Madax sare oo shalay ka dhacaayo Islii (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 18, 2015 (HOL) — Waxaa shalay ka dhacay xaafadda Eastleigh (Islii) ee ka tirsan degmada Kamukunji ee magaalada magaalada Nairobi, isku-soo-bax nabaddeed ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanka laga soo dortay degmadaas Mudane Yusuf Hassan Abdi, Hagaamiyaha Golaha Aqlabiyada ee Barlamaanka Kenya Hon. Adan Bare Ducaale, dad weyne fara badan iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya.

Isu-soo-baxa oo ahaa mid lagu taageerayay arrimaha ammaanka iyo horumarinta ganacsiga xaafadda, ayaa waxaa qeyb ka ah socod lagu maray inta u dhaxeyso waddada 12-naad ee General Wairungu iyo wadada koowaad ee xaafada (Section One).

Madaxdii ka qeyb gashay socodkaas, ayaa qorshuhu uu ahaa iney dadweynaha kula hadlaan Dugsiga sare ee Xaafadda Islii oo ku yaallo waddada 12-naad laakin markii danbe waxaa loo weciyay dhanka waddada 9-aad xaafadda gaar ahaan agagaarka suuqa Sunrise oo dadweyne badan ay ganacsiyo ku leeyihiin.

Xaafadda Islii oo ay dagan yihiin Soomaali aad u tiro badan, ayaa sidoo kale waxey ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan, waxaana mararka qaar ka dhaco xaafadda falal amni daro oo waxyeelo ay ka soo gaarto dadka ku dhaqan xaafaddaas.

Dhanka kale Xildhibaan Yusuf Hassan iyo Mudane Aadan Bare Ducaale oo marar badan booqday xaafadaas si ay ugu guur galaan dhibaatooyinka ka jiro, ayaa waxey balan-qaadeen iney wax ka qaban doonaan arrimaha ammaanka iyo horumarka xaafaddaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya