4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2015
Wasiirka Gaadiidka Somalia oo ka Qayb-galay Shirweynaha Duulista Caalamka (SAWIRRO)


Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee DFS, Cali Axmed Jaamac [Jangeli] ayaa ka qayb-galay shir looga hadlayay duulista caalamka oo dhan, kaasoo ay ka qaybgaleen madax aad u badan oo ka socday hay’adaha duulimaadyada hawada ee caalamka.

Shirkan oo ahaa mid caalami ah ayaa waxaa lagu qabtay dalka Canada oo ay ah halka ay daggan tahay hay’adda duulista hawada ee dunida [ICAO], iyadoo lagu sheegay ujeeddada shirkaan sidii caalamka oo dhan uu isaga kaashan lahaa nabad-galyada iyo horumarinta duulista.

Jangeli oo shirka ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in loo baahan yahay in caalamku ay iska kaashadaan aqoonta duulista iyo tiknolojiyadda duulista, taasoo uu sheegay inay muhiim u tahay waddamada caalamka oo dhan.

Intii uu shirku socday ayuu wasiirka gaadiidka iyo duulista xukuumadda Somalia wuuxu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay agaaasimayaasha waaxda duulista ee dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo ay kawada hadleen sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen.

HOL ayaa weydiisay Wasiir Jangeli su’aal ahayd; faa’iidada shirkaani uu Soomaaliya u leeyahay, iyadoo wasiirku uu ku jawaabay. “Shirkaan muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay Somalia maadaama dhibaatooyin badan uu dalku kusoo jiray muddo fog, wuxuu u baahan yahay in dib loo dhiso lana xoojiyo duulista hawada.”

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku raaciyay in shirkan faa’iidada kale ee uu u leeyahay Somalia ay tahay inay fursad u heleen inay la kulmaan madax badan oo ka socday dalalka Caalamka, kuwaasoo ay kala hadleen sidii loo awood-siin lahaa duulista hawada Soomaaliya.

“Madaxdii ka socday hay’adaha duulista caalamka ee aan la kulannay waxaan kala hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa shirkadii Somali Airline, in dib loo dhiso garoomada Somalia iyo inay gacan ka geystaan sidii ay taageero weyn ugu muujin lahaayeen Somalia,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Jangeli.

Wasiir  Axmed Cali Jaamac Jangeli, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan waaxda duulista Somalia oo ka mid ahaa; maareeya waaxda duulista hawada Soomaaliya, maareeyaha waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya, C/waaxid Sheekh Cumar.

Ugu dambeyn, Dhaqaalaha laga helo sannad walba duulimaadyada caalamka ayaa lagu sheegay inay gaarayso – 2.4 Trillian oo doollarka Mareykanka ah; shaqaalaha ka howlgala garoomada iyo duulimaadyada calaamka oo dhan ayaa iyagana lagu sheegay tiradooda 85-milyan oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, SoomaaliyaA