12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2015
SAWIRRO: Wasiirka Maaliyada oo ka warbixiyay Shirar uu kaga Qayb-galay Sucuudiga iyo Kuwait


Jimco, November 13, 2015 (HOL) — Wasiirka maaliyadda xukuumada Somalia Maxamed Aadan Farkeeti ayaa saaka dib ugu soo laabtay Somalia, kaddib markii  uu shirar muhiim ah uga soo qayb-galay dalalka Kuwait iyo Sucuudiga.

Mudane Farteeti ayaa ugu horreyntii ka qayb-galay shir hordhaca u ahaa shirkii ay isugu yimaadeen madaxda dalalka Latiin America iyo Carabta ee magaalada Riyadh ka dhacay, wasiirka ayaa intuu socday shirku wuxuu kulammo gaar ah la qaatay madaxa sanduuqa horumarinta Sucuudiga, Inj. Yusuf Al-basam oo ay ka wada hadleen sidii Somalia looga caawin lahaa dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada muhiimka ah bulshada sida: waxbarashada, caafimaadka, biyo-gelinta iyo dib u soo celinta qoxootiga ku dhibaataysan dalalka dariska ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka qayb-galay shir ka dhacay magaalada Kuwait oo ay si wadajir ah u soo wada qaban-qaabiyeen hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) iyo bangiga dhexe ee dalka Kuwait, kaasoo ay ka qayb-galeen wufuud ka socday 40 dal, waxaana looga hadlay habka uu u shaqeeyo nidaamka maaliyada ee Islaamiga ah ee ku saleysan dul-saar la’aanta (Islamic Finance), waxaana la isku af-gartay in la baahiyo isticmaalka Islamic Finance oo waayahaan dambe aad ugu soo xoogaysanayay caalamka.

Wasiirka ayaa dhanka kale, shir gaar ah la qaatay intii uu ku sugnaa dalka Kuwait madaxa sanduuqa horumarinta dalkaas, Dr. Cabdulwahab Al-bader, waxayna isla soo qaadeen sidii looga caawin lahaa Somalia kor u qaadidda kobaca dhaqaalaha iyo horumar lagu sameeyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka cusub ee dalka Maraykanka u qaabilsan Somalia, David H. Kaeuper waxayna kawada hadleen marxaladda siyaasadeed ee Somalia iyo horumarka dowladda Somalia ay ku talaabsatay ee dhinacyada maamulka maareynta maaliyadda. Isagoo safiirku ku aamanay dowladda Soomaaliya inay muujisay horumar dhanka kobaca dhaqaalaha & baahinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya