Bangiga Adduunka oo soo bandhigay Maanta Warbixin la xiriirta dhaqaalaha Somalia (SAWIRRO)
Khamiis, November 12, 2015 (HOL) — Bangiga adduunka ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, warbixin uu dhawaan ka qoray dhaqaalaha Soomaaliya oo ciwaan looga dhigay "Isbedelka Dhaqaalaha oo dhacaayo iyadoo haliso ay jiraan".
Warbixinta oo ka kooban labo qeybood, ayaa diirada waxaa si gaar ah loogu saaray xiriirka Maaliyadeed ee Somalia, iyadoo qeybta hore lagu sheegay hannaanka dib u soo kabashada dhaqaalaha Somalia iyo maal-galinta qurba-joogta Somalia ay ku sameynayaan dalkooda.
sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay warbixinta qaabka wadamo badan ay u sameysteen nidaamka federalka ee ay ku dhaqmaan.
Qeybta labaad ee warbixinta, ayaa iyana waxaa lagu sheegay qaabka ay u wada shaqeyn karaan dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ka jiro, si ay horumar ay u gaarisiiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Kulankii maanta oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin tiro badan oo qaarkood ay horay xilal kala duwan oga soo qabteen Somalia, ayaa waxaa furay Danjiraha Somalia u fadhiyo wadanka Kenya Amb. Jamal Mohamed Hasan oo ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iney maal-galin ku sameeyaan wadankooda.
Dakhliga iyo Badeecooyinka Somalia laga bixiyo xilli caqabado badan iyo haliso ay jiraan, ayaa ugu badneyd waxyaabaha looga hadlay qeybta hore ee kulanka oo lagu soo bandhigay dhaqaalaha Soomaaliya iyo warbixinta uu Bangigu ka diyaariyay.
Hugh Riddell oo ah wakiilka Bangiga adduunka u qaabilsan Somalia, ayaa markii uu soo gaba-gaboowday kulanka kaddib wuxuu shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta isagoo ay wehliyaan Madaxda Bangigaan u qaabilsan arrimaha Somalia.
Sidoo kale, Riddell ayaa ku sheegay warbixinta ay soo bandhigeen inay tahay mid dadka Soomaaliyeed, dowlada federaalka Somalia iyo waliba dalalka deeqaha bixiyo ay kawada faa'ideysan karaan haddii loo qaato sida ay tahay.
Dhanka kale, Cabdulqafaar C/llaahi oo ah dhaqaaleyahan sare oo ku takhasusay maareynta Maaliyadda oo ka tirsan Kooxda Bangiga Adduunka, ayaa shirkaas jaraa'id ka sheegay in warbixintaan oo kale lixdii biloodba mar uu Bangiga adduunka ka soo saaro wadamada uu ka shaqeeyo oo dhan.
Ugu dambeyn, warbixintaan ayaa lagu sheegay iney tahay tii ugu horeeyay oo World Bank uu ka soo saaro wadanka Somalia oo muda labaatan sano ka badan ay colaado ka jireen.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya