4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2015
Madaxda Somalida oo ka Tacsiyeeyay geerida Idil Ladane oo u ololeyn jirtay Xuquuqda Dumarka


Arbaco, November 11, 2015 (HOL) — Idil Ladane oo ahayd cilmi baare dhinaca nabadda ah ayaa ku geeriyootay magaalada Ottowa ee dalka Canada, iyadoo 50-sano jir ahayd sidaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Qoyskeeda.

Waxaa kaloo Ladan ay ahayd haweeney u ololaysa sinnaanta jinsiga, waxayna waqti badan ku bixisay barnaamijyada lagu horumarinayo doorka haweenka Soomaaliyeed ee bulshada, iyadoo madax iyo asaase ka soo noqotay urarada kala ah Somali Gender Equity Movement (SGEM) iyo Somali Women's Circle Network (SWCN).

Geerida ku timid Idil Ladane ayaa dhamaan laga dareemay guud ahaan Somaliya,waxaana dadweyne fara badan oo Somaliyeed ay dareenkooda geeridan ku soo bandhigeen baraha bulshada ay ku wada xiriiraan ee Twitterka iyo Facbook-ga.

“Waxaad tahay geesiyad iyo halyeeyad u taagnayd dadka kale “ ayuu Axmed Shamsi oo dagan Minneapolis ku soo qoray boggiisa twitterka ,si uu tacsi ugu diro ehelada iyo qoyska marxummad IDIL.

“Dumar ahaan ,waxaad naga dhigtay kuwa awood leh ,laakiinse maanta waan qalbi jabsan nahay –waan ku jeclahay marxuumad Idil,"  ayay iyana soo qortay Fatxiya Muumin oo ka mid ah Soomaalida dagan dalka Canada.

 “Idil waxa ay ahayd qof mar walba u heelan in ay ka shaqayso horumarka dalka Somalia oo dhan gaar ahaan dumarka. Dhamaan casharadii ay na bartay iyo barnaamij kasta oo ay bilowday waxaan u rajaynayaa in ilaah u ugu dhigo sadaqo,“ ayay tiri Luul Kulmiye oo ka mid ah xubnihii waxa ka asaasay ururka SGEM.

Waxaa Idil ay dabayaaqadii sanadki hore u tartantay jegada ra’iisul-wasaaraha Soomaliya si ay uga dhabayso hankeeda ah in meesha laga saaro fikirka sinaan la’aanta Jinsiga oo la sheegay in uu yahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira gudaha Somalia.

Ra’iisul-wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashid iyo wasiirka arimaha dibadda C/salaam Hadliye ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida ku timid IDIL,iyaga  oo sheegay in geerida marxuumadda ay tahay khasaare weyn.

Ugu dambeyn, IDIL ayaa arimaha Somalia si qoto dheer wax uga qortay intii ay noolayd gaar ahaan doorka haweenka ee nabadda iyo horumarinta, iyadoo marxuumada oo haysata Shahaadada PHD-ga ay la soo shaqaysay dowladda Federaalka ah ee dalka Canada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]