4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Baarlamaanka Federaalka Somalia oo Maanta Ansixiyay Mooshinkii Baarlamaanka Jubbaland laga keenay


Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Cod Aq-labiyad ah ku Ansixiyay Mooshinii laga keenay Baarlamaanka Jubbaland, kaas oo dhawaan laga keenay mooshin, waxaana ogolaaday mooshinka 132—xildhibaan oo ka mid ah 142 xildhibaan oo codkooda dhiibtay.

Markii  uu furmay kulanka Baarlamaanka Somalia ayay xildhibaannadu billaabeen in ay ka doodaan, iyadoo xilligaas ay kulanka joogeen150-xildhibaan, balse sideed ka mid ah ay intii uu kulanku socday ka tageen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia Mahad C/lla Cawad oo kulanka Shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta, wuxuuna sheegay inay 142-xildhibaan Codeeyeen, 132 ka mid ah ay ogolaadeen Mooshinka, halka ay diideen Afar xil-dhibaan, iyadoo ay ka aamuseen lix mudane oo kale.

“Mooshinka Waa Ansax, Maadaama inta badan Xildhibaannadu ay Taageereen,” ayuu yiri C/lla Cawad oo intaas ku daray in baarlmaaanka Jubbaland uu wixii maanta ka dambeeyay yahay mid aanay baarlamaanku ogoleyn.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa waaxay codeynta kaddib billaabeen inay Sac-biyaan, qaarkood ay ku dhawaaqaan erayo ay ku Taageerayaan in la diiday Baarlamaanka Jubbaland oo ay ku eedeeyeen Xildhibaannadii Mooshinka keenay in uu yahay mid aan si sax ah loo soo xulin.

Maamulka Jubbaland ayaan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan go’aanka ay ka gaareen maanta Baarlamanka Somalia jiritaanka Baarlamanka Jubba; iyadoo Go’aanka ay Xubnaha Baarlamaanka uu imaanayo xilli Xukuumadda Soomaaliya ay guddi u saartay xal u helidda murankan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya