4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Ahlusunna oo diidday inay ka baxdo Magaalada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) —  Ahlusunna Waljamaaca oo Axaddii aynu soo dhaafnay Dowladda Soomaaliya kala Wareegay Gacanta ku Haynta Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa kasoo horjeesatay baaqii Ergayga Qaramada Midoobay ee ahaa inay ka baxaan Degmadaas.

Madaxa Siyaasadda Ahlusunna Waljamaaca, C/salaam Aadan Xuseen oo maanta Wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Go’aanka Danjire Nicholas Kay aysan ku gelin Dhuuso-mareeb, hadalkiisana aysan uga baxaynin.

“Innagu Dhuuso-mareeb kuma duulin, Ahlusunna ayaa muddo toddoba sano ah ku haysay Gacanta Deegaanno ka Tirsan Gobollada Dhexe, Kulana Dagaalantay Ururka Al-shabaab, haddana waxay dib ugu laabteen deegananadii ay ka talinayeen,” ayuu yiri C/salaan Aadan oo ka jawaabayay su’aal ahayd sababta ay Dhuuso-mareeb u weerareen.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa la Weydiiyay in Qabsashadii Magaalada Dhuuso-mareeb ay u muuqanayso inay ku xad-gudbeen heshiiskii ay dowladda Somalia la galeen bishii Maarso ee sannadkan, wuxuuna ku jawaabay.

“Heshiiskii Bishii Maarso Waqtigiisii wuu Dhammaaday, Haddaan Ahlusunna Nahayna si cad ayaan u caddeynay inay dowladda Somalia ka baxday Heshiiskaas, waana u sheegnay inuu heshiiskaas burburay danjiraha QM ee Somalia, Nicholas Key. Waxaana Qaadannay go’aan ah inaan dib ugu laabanno deegaannadii aaan ka talin jirnay.”

C/salaan Aadan oo ku sugan Nairobi ayaa sidoo kale la weydiiyay xilliga Heshiiska sida uu ahaa, isagoo ku jawaanay. “Waxay ahayd in muddo 10-casho ah xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Guriceel, balse laba bilood ayaa la dhaafay, Beesha Caalamka waan u sheegnay in heshiiskaas ay ka baxday dowladda Somalia. Innaguna waxaan naga go’an inaan kuwa dhibaatooyinka geysanaya ka difaacno deegaannadii aan ka talinaynay shacabka ku nool.”

Mar la Weydiiyay inay Aqbalayaan baaqii Danjire Nicholas Kay ee ahaa inay isaga baxaan Dhuuso-mareeb iyo in Kale, ayuu ku Jawaabay. “Ciidamada Ahlusunna Amarka Nicholas Kay kuma gelin Dhuuso-mareeb, baaqiisanaha ugama baxayaan.”

Dhanka kale, Wuxuu Sheegay in Ahlusunna Waljamaaca ay tahay Urur Nabadeed oo aan Xad-gudubna aan ogoleyn, Dowladda Soomaaliyana ay dhowr jeer ku Wargeliyeen in aan Qori wax lagu xallin karin, balse hannaan nabadeed iyo in qof walba xuquuqdiisa la siiyo ay tahay, laakiinse dowladdu baaqyadeennaas way iska dhego-tirtay.

Ugu dambeyn, Su’aal ahayd in ay ka soo Hor-jeedaan Shirka Cadaado ee Maamulka loogu dhisayo gobollada Galguduud iyo Mudug ee haatan ka socda Magaalada Cadaado, ayuu ku jawaabay. “Innagu waxaan diidnay ma jirto... in la isku yimaado oo shacabka gobolladaas ku nool ay dhistaan Ahlusunna ayaa markii ugu horreysay Go’aamisay.”

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabo ay kaga jawaabayso qabsashada Degmada Dhuuso-mareeb ay qabsatay Ahlusunna Waljamaaca oo ay ku tilmaantay koox nabad-diid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya