5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2015
SAWIRRO: Sida looga Ciiday Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo Al-shabaab ay Maamusho


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku ahayd maalintii 1-aad ee Ciidul-Fidriga ayaa waxaa si weyn looga ciiday deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Deegaannada Al-shabaab ay ka taliso ee sida weyn looga ciiday ayaa waxaa ka mid ah; Baardheere, Diinsoor, Jilib, Bu’aale, Galhareeri, Saakoow Ceeldheer iyo Deegaanno kale oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Salaaddii Ciidda ayaa lagu tukaday barxado loo cayimay, iyadoo Tukashada ay ka Qayb-galeen Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo shacabkii Salaadda soo xaadiray u jeediyay khudbooyin kala duwan.

Qaar ka mid ah saraakiishii ka hadlay deegaannada salaadda ciidda kaddib sheegay inay sii wadi doonaan Dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM.

“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka muslimiinta ah ee ku nool walaayaadka aan ka talinno inay ka qaybqaataan dagaalka lagula jiro cadowga, kuwaasoo aanu ku difaacayno diinta Islaamka iyo Muslimiinta,” ayay Salaadda kaddib ka sheegeen Saraakiisha u hadlay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Saaladda Ciidda ee deegaannadan ka dhashay ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadweyne fara badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar, kuwaasoo qaar ka mid ah ay madaxa ugu xirnaayeen maryo lagu qoray Towxiidka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya