5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2015
DAAWO SAWIRO: Sidii ay u Ciideen Soomaalida ku nool Tromsø–Norway iyo Norrkoping-Sweden


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) —
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Tromsø oo ku taalla Waqooyiga dalka Norway iyo Norrkoping oo ku Taalla dalka Sweden, waxaana Salaaddii Ciidda ay ku tukadeen goobo loo cayimay, iyadoo ay Salaadda Ciidda la Tukadeen Muslimiin kale oo magaalooyinkaas ku nool.  

SIDII AY U CIIDEEN SOOMAALIDA MAGAALADA TROMSO–NORWAY;
Iyadoo Maanta ay tahay Maalintii Koowaad ee Ciidul-Fitriga ayaa Waxaa Muslimiinta ku nool Magaalada Tromsø ee Waddanka Norway oo ay Qayb ka yihiin Soomaalida Waxay Salaaddii Ciidda ku Tukadeen Gudaha Tromso Hallen ee Magaalada Tromsø, Waxaana isugu yimid Boqollaal Mmuslimiin ah oo ku nool Gudaha iyo Daafaha Magaalada.

Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø iyo Ajaaniibta kale ee Islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu Marxa-beynaya Maalinta Aadka u Qiimaha badan ee loogu Dabaal-degayo Munaasabadda Ciidda; Waxaana sidoo kale isugu yimid dhammaan Odayaal, Waxgarad, Dhallinyarada, Haweenka iyo Caruurta ku Nool Tromsø oo si weyn looga Dareemayay Farxadda Ciidda.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Farxadooda la Wadaagay Dhammaan Ummadaha Islaamka ah ee ku nool daafaha Adduunka; iyagoo ka dalbday qof kasta oo Muslim ah inuu Gargaaro Walaalahooda aan Awoodin inay ka farxiyaan Carruurtooda.

Culummaa’uddiinka Tromsø ayaa iyaguna soo Bandhigay Muxaadarooyin Diini ah oo ku saabsan Ahmiyadda ay leedahay Munaasabadda Ceynkan oo kale ah ee Ciidda, Maadaama ay Ummadda Islaamku soo Guteen Waajibaadka Diini ah oo ay Soomanaayeen muddo 29-maalmood ah; iyagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan oo ay dalkooda u duceeyaan si uu u noqdo Waddan Xasilloon oo ka gudba Marxaladda uu ku jiro.

SIDII AY U CIIDEEN SOOMAALIDA MAGAALADA NORRKOPING-SWEDEN;
Sidoo kale, Soomaalida ku nool Magaalada Norrkoping ee waddanka Sweden ayaa iyaguna maanta u dabaal-dagay Ciidul-fidriga oo ku beegan maanta, iyagoo ku tukaday Goobo loo Iclaamiyay in lagu Salaadda Ciida lagu Tukado; Waxaana kala Qayb-galay Xildhibaanka Magaalada Norrkoping ee matala Soomaalida, Culummaa’uddiin iyo Shacab fara badan.

Dadweynihii u dabaal-dagayay Ciidda ayaa Salaan u diray Madaxda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Xubnaha labada Gole ee Dowladda Somalia, Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u Rajeeyay inay ku ciidaan Nabad iyo bashbash waxayna ALLE uga baryeen inuu Waddanka kusoo celiyo nabad, kana qabto cadowga la damacsan Dhagarta.

Ugu dambeyn, Waxaa Magaalada aad Looga Dareemayay Maanta Munaasabadda Ciidda; iyadoo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen Muslimiinta Daafaha Dunida ku Dabaal-dagayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya