5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2015
Somaliland oo si weyn looga ciiday iyo Siilaanyo oo u hambalyeeyay shacabka SL (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Dunida Islaamka ayaa maanta si weyn loogu dabaal-dagay, gaar ahaan goboladda Somaliland oo dadweynihii waaweyn iyo yar-yarba saaka waaberigii u dareereen labadda rakcadood ee salaadda Ciidul fidriga.

Magaalada Hargeysa, waxa kala qaybgallay dadweynaha masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaanu madaxweynuhu kala qaybgalay salaada Cidal Fidriga masjid-jaamaca weyn ee caasimada Hargeysa oo kumanaan ka mida shacbiga Somaliland kula tukaday.

“Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu sanadkn sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu dadkeena quluubtiisa isku soo jeediyo, waxaanan ilaahy caalamka islaamka inuu ilaahay nabad qab is jacayl iyo wanaag siiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu horu marka dalkeena iyo wada jirkeena inoo xoojiyo.” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, Madaxweyne xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici, iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa sidoo kale Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium kula tukaday kumanaan dadweynaha Hargeysa ah.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland ayaa Shacabka Somaliland uga digay qabyaalaadda, isagoo sheegay inay Qabyaaladu fiicnayn, isla markaaana dib u dhigto Bulshooyinka Adduunka.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Cumar Dirir, oo isna ka mid ahaa dadkii ka hadlay  garoonka Hargeysa Stadium ayaa dadka ku waaniyay Alle ka cabsiga iyo sii wadidacamalada suuban ee bishii Ramadaan la soo waday.

Markii salaadda laga soo dareeray ayaa markaliya Dadweynihii iyo Carruurtii oo Labisyo qurux badan iyo qalabkii ay ku ciyaareen sita buux dhaafiyey Waddooyinkii iyo suuqyadii Hargeysa, Waxaana maalintan oo kale Dadweynuhu badankooda isku-dayaan inay dibada uga baxaan magaalada si carruurta loo soo Dalxiisiiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland