5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2015
Magaalada Beledweyne oo Maanta si weyn loogu dabaaldagay Munaasabada Ciidda (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Maanta oo Jimco ah waa maalinta koowaad ee ciidul-fidriga, guud ahaan marka aad eegtana dunida muslimka ah maanta si weyn ayaa looga dabaal-dagayaa, Gaar ahaan Somalia oo magaalooyinka waaweyn iyo gobollada dalka intaba si isku mid ah looga ciidayo.

Degmada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha sida weyn dadka ku dhaqan uga Qayb-qaadanayaa fantisyaha iyo farxada maalintan ku weyn quluubta muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, iyadoo subaxnimadii hore ee saakay ka hor salaada ciidda laga bilaabay masaajida magaalada Takbiirta oo ay isla jabinayeen culima'udiin iyo dadweyne u soo xaadiray tukashada labada rakco ee salaadda.

Markii laga soo baxay salaada waxaa bilaabatay in ay dadku isku marxabeeyaan erayo ay ka mid yihiin Ciid-mubaarak iyo Kulu-Caam Wa Antum Bikheyr.

Caruurta ayaa la oran karaa waxaa ay lahaayeen doorka ugu weyn ee fantisyaha iyaga oo soo buux dhaafiyay jidadka magaalada Baladweyne oo ay koox koox ugu cayaarayeen,

Marti-qaadka ayaan isna meesha ka marneyn oo asxaabta iyo inta inta dadka isugu dhaw maanta oo kale waxaa u caaddo ah in midba kan kale oo uu ku marti-qaado casuumad qeyb ka ah dabaal-daga ciidda.

Ma ahan oo kaliya Beledweyne ee siddan oo kale guud ahaanba degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay dadka ku dhaqan waxaa ay u dabaal-dagayaan maalinta 1-aad ee Ciidul-fidriga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya