5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2015
Degmada Kismaayo oo Maanta si weyn looga dabaal-dagay Munaasabada Ciidda (SAWIRRO)

Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Iyadoo guud ahaan umadda Islaamka ah  ee ku nool daafaha caalamka ay maanta u tahay maalin farxadeed ayaa waxaa dabaaldegga maalinta weyn ee ciida siweyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta salaaddii ciidda ku oogay fagaaraha Masjidka loo yaqaan Maxfalka ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay halkaasi kula tukadeen madax ka tirsan maamulka Jubbaland, oo ay kamid yihiin, madaxweeyne kuxigeenka 2-aad Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere), afhayeenka maamulka Mudane C/naasir Seeraar Maax, Gudoomiyeyaasha gobolka iyo kan degmada Kismaayo, xildhibaanno iyo weliba wasiirro kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Intii Salaadda la tukan kahor ayaa waxaa goobta khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasoo shacabka ugu hambalyeeyay munaasibadda maalinta ciidda.

Madaxweeyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere oo goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa ku booriyay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka, isagoo si guud ah ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay usoo jeestaan sidii ay dalka u horumarin lahaayeen islamarkaana uga gudbi lahaayeen dagaallo sokeeye iyo weliba qabyaalad.

Waddooyinka Waaweyn ee Kismaayo ayaa laga dareemayaa Mashquul, iyadoo indhahaagu ay Qabanayaan, Carruur aad u labisan & Dadweeyne kale oo buux-dhaafiyay Wadooyinka, maadaama sida caadada ah maalmaha ciidda ay dadku aad isu booqdaan.

Ugu dambeyn, Jawiga Guud ee Kismaayo ayaa maanta ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo dadweeynaha laga dheehanayay u dabaaldegga ciidda, Waxaana dadku iyagoo faraxsan ay isku salaamayaan “Ciid Wanaagsan” iyo  weliba “Ciid Mubaarak”.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya