4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Munaasabad lagu xusayay 01-da Luuliyo oo xalay lagu Qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu Xusayay Maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo Midowgii labada gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia ayaa xalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Officio Governo oo dib u habeyn lagu sameeyay dhawaan.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, RW Somalia Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Muun-gaab iyo mas’uuliyiin kale oo fara badan.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir oo furay munaasabada ayaa sheegay in guud ahaan Somalia ay ka dhacayaan xaflado noocan oo kale ah, ayna ka shaqeeyeen sidii dhallinyarta Soomaaliyeed loo dareen-siin Qiimaha ay dalka iyo dadka u leedahay xorriyadda.

“Dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay weyneeyaan xasuusta iyo dabaal-degga maalintii ummadda Soomaaliyeed ay heleen xorriyadda, madax-bannaani iyo aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka ayaa Sannadkan si heer sare ah u xustay toddobaadka xorriyadda, sida 26-kii June markii Waqooyiga xoriyad helay, 27kii June markii Walaalaheen Jabuuti ay xorriyaddooda heleen iyo maanta oo ah 01-dii Luulyo oo ah maalintii Koofurta ay Xoriyaddeeda heshay; isla markaasna ay Waqooyi iyo Koofur ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka.

Intaas kaddib waxaa isna hadlay Duqa Muqdisho Xasan Muun-gaab oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sannadkan in munaasabadaha maalmaha xorriyadda dalka lagu qabto xarunta Officio Governo oo ahayd halkii laga taagay calanka Soomaaliya markii ay Gobollada Koonfureed Xorriyadda Qaateen.

“Meeshaan aan Caawa joogno waxay ahayd halkii laga taagay calanka Soomaaliya 01-dii Luuliyo 1960-kii. Waxaana ku faraxsanahay caawa in mar kale aan Calanka ka taganayno halkan kaddib labaatameeyo sanno oo colaado ay dalka ka jireen,” ayuu yiri Muun-gaab.

Sidoo kale, waxaa isna hadlay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in maanta ay u aqoonsanayaan maalintii dib u soo kabasahada Soomaaliya, kaddib sannado badan oo colaado ah, isagoo xusay in dowladdu hadda jirta ay tahay middii ugu horreysay oo rasmi ah oo dalku yeesho labaatameeyo sano kaddib.

“Waxaan caawa halkaan ka sheegayaa in maanta aan u aqoonsanayno maalintii dib u soo kabashada, dib u soo noolaashada iyo dib u soo kobcidda Soomaaliya, waana habeen qiimo badan ku leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay ciidamada amniga Somalia sida ay ugu howlan yihiin sugidda amniga, waxaana xalay la xiray waddooyinka Muqdisho intooda badan. Iyadoo intii ay xafladdu socotayna lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ka hadlaya waddaniyada.

Ugu dambeyn, markii la gaaray 12:00 habeenino saqdii dhexe ayaa Calanka Somalia laga taagay xarunta, iyadoo mas’uuliyiintii dowladda ay salaan-sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya