12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 19, 2015
Shir looga Hadlay Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo lagu Qabtay Magaalada Garoowe (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland kaga qayb-galay shir ay soo qaban-qaabisay wasaaradda deegaanka maamulka Puntland oo looga hadlayo sidii loola talaaci lahaa is-bedelka cimilada Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo hal maaalin ah waxaa ka qayb-galay madax ka socotay dowladda Federaalka ah ee Somaliya qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Puntland ,waxaana  shirkan lagu qabtay xarunta hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC ee magaalada Garowe.

“Sanadkii la soo dhaafay waxaa Puntland ku dhuftay duufaanno saameeyay dad badan iyo xoolo hoodiiba gaar ahaan degmooyinka ku yaalla xeebaha, haddii aan lala socon oo aan dadka looga sii digin masiibooyinka ka dhasha cimilada xaaladdu waa ka sii dari kartaa “ayuu yiri C/wali Gaas oo shirka furay.

Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya oo shirkan ka hadlay ayaa sheegay in abaaraha ka jira Soomaaliya loo sababaynayo isbadalka xiligan ka jira cimilada adduunka ,waxaana uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii arintan looga hortagi lahaa.

“Mashruucan waa wajigii koowaad oo lagu qabto Garowe ,waxaa la isku raacay in la qabto shir weyne heer deegaan ah oo Soomaaliya oo dhan ah,“ ayuu yir wasiirka wasaaradda deeganka Puntland Guuleed Saalax Barre oo shirka ka hadlay.

Ugu dambeyn, marti sharaftii ka so qayb-galay shirka ayaa isku raacay in isbadalka cimilada ee ka jira aduunka ay sababtay nabaad-guur, biyo la’aan, duufaanno iyo masiibooyin kale oo dabiici daran oo dabiici ah.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]