Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ogolaaday codsigii ka yimid ra’iisul wasaaraha ee ahaa in 14 casho oo dheeraad ah la siiyo si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, kaddib markii uu xalay kala diray xukuumaddiisii hore. Waxaana xildhibaannada loo qaybiyay qoraalkii uu ra’iisul wasaaruhu ku kala diray xukuumaddii hore.
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeennadiisa ayaa xildhibaannada hordhigay qoraalkii uu soo saaray ra'iisul waasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, iyadoo kulanka barlmaaanka ay goobjoog ka ahaayeen 202 xildhibaan.
Mudanayaasha ayaa kaga dooday kulanka siiqada ay u qoran tahay warqadda Sharma'arke uu u soo gudbiyay baarlamaanka, sida in wasiirradii la kala diray iyo in lala laabtay, balse ugu dambeyn cod ayaa la geliyay, iyadoo ay xildhibaannada baarlamaanka cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen in la siiyo RW Somalia muddadii 14 cisho ahaa ee uu ka dalbaday golaha si uu xukuumad kale u soo dhiso.
"Waxaa codeysay 202 xildhibaan, waxaa ogolaatay muddo kordhinta xilliga RW Cumar C/rashiid uu dalbaday 190-xildhibaan, waxaa diidday 10-xildhibaan, waxaana ka aamusay laba mudane, sidaa daraadeed muddo kordhinta waa ansax," ayuu yiri Jawaari oo hadalay kaddib codeynta xildhibaannada.
Prof. Jawaari wuxuu intaas ku daray in ra'iisul wasaaraha laga doonayo inuu 14 maalmood uu kusoo dhiso xukuumad uuna ku horkeeno baarlamaanka, lagana doonayo inuu dhismaha xukuumaddiisa cusub kala tashado golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa xalay kulamo gaar-gaar ah la yeeshay xildhibaanada, isla markaana ka dhaadhiciyay inay ogolaadaan codsiga ra’iisul wasaaraha Somalia.
Warqadda ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali uu u soo gudbiyay baarlmaaanka oo uu ku dalbaday in waqtiga loo kordhiyo, uuna ku caddeynayay inuu golihii wasiirrada kala diray.
Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ku yeeshay xalay kulan Muqdisho, iyagoo ugu dambeyn isla gartay in wasiirradii uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha la kala diro, uuna dib u soo dhiso xukuumad kale.
Ugu dambeyn, ra’iisul waasaraha Somalia ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad kale, isagoo sheegay inuu kala tashan doono dhismaha wasiirada cusub, madaxda dalka iyo xildhibaannada baarlamaanka Somalia.
AKHRISO: Warqaddii uu RW-hu ku kala diray Xukuumadiisii 
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya