4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2015
AKHRISO: 27 xisbi siyaasadeed oo soo bandhigay Hannaanka Doorashada ee 2016-ka (SAWIRRO)


Sabti, December 12, 2015 (HOL) — Kulan balaaran oo ay soo agaasimeen in ka badan 25-xisbi siyaasadeed ayay kusoo bandhigeen - Hanaanka loo dhan yahay ee Doorashada 2016 – iyadoo munaasabaddan ay ka qayb-galeen xildhibaanno, hoggaamiyayaal xisbi, xubnaha xisbiyada, odayaasha-dhaqanka, culuuaa’uudiin, haween iyo dhallinyarada.

Munaasabada oo ka dhacday Hoteel Maka Al-mukarama ee Muqdisho waxaa ugu horreyn sharraaxaad ka bixiyay Hannaanka doorashada loo dhan yahay ee 2016-ka guddoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cusmaan [Barnaamij] wuxuuna yiri. ”Hhanaankan loo dhan yahay oo ay kaalin ku leeyihiin oday-dhaqameed, maamul-goboleedyada, xisbiayda siyaasadeed, guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo qaybaha Bulshada rayidka ah, sida nabaddoono, aqoon-yahano, culummo, haweenka, siyaasiyiinta iyo dhallinyarada.”

Sidoo kale, guddoomiye Barnaamij ayaa hoosta ka xariiqay in sida Dustuurka Somalia uu qabo ay xisbiyadu aragtidoodu tahay in dalka doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, balse hoggaanka talada dalka haya ayaa ka gaabiyay, sidaa daraadeedna, xisbiyadu waxay si xoogan ugu soo horjeedaan muddo kororsi, taas badalkeedna la qabto doorasho wax lagu dooranayo xisbiyo siyaasadeed si loogu gudbo Baarlamaan ka kooban xisbiyo & Hanaanka loo dhan yahay ee doorashada 2016-ka.

Bandhiggaan kaddib, waxaa madaxda 27–ka xisbi siyaasadeed ay si wadajir ah u saxiixeen hindisahan ku aaddan doorashada 2016, waxaana khudbado inta badan ahaa taageero kasoo jeediyay; guddoomiyaha golaha xisbiyada; ahna gudoomiyaha xisbiga Ileys, Muxiyadiin Cali Yusuf, guddoomiyaha xisbiga Daljir, Xil. Xasan Macalin Maxamuud, guddoomiyaha xisbiga Midnimo (Puntland), Dr Saadaq Eenoow, guddoomiyaha xisbiga Badbaado Qaran, C/qaadir Maxamed Xuseen [Jaahweyn] gudodomiyaha xisbiga cadaaladda iyo horumarka, Nadiifo C/llaahi Cabdi, guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulan, Muxyadiin Max'ed Xaaji Ibraahim iyo guddoomiyaha Xisbiga Qaran ee Is-bedelka & horumarka Dr Maxamed Cali Ibraahim. Waxaa kaloo xafladdan ka hadlay bulshada rayidka; sida nabad-doonno iyo culummaa’uddiin. 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha qaban-qaabada kulanka, isla markaana ahna guddoomiyaha xisbiga SPDU, C/llaahi Sh. Aadan wuxuu ku dhawaaqay in xisbiyada hanaankaan saxiixay ay doorteen guddi ka shaqeeya hir-gelinta hanaankan iyo sidii dadweynaha Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba looga dhaadhicin lahaa.

Guddiga loo doortay hirgelinta Hannaankan doorashada loo dhaqan yahay ee 2016-ka ayaa waxay kala ahaayeen;

1-   Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo – Xisbiga Tayo-
2-   Prof Cabdi Ismaaciil Samatar – Xisbiga Hiilqaran-
3-   Danjie Axmed Macalim Fiqi – Xisbiga Daljir
4-   C/risaaq Axmed   – Xisbiga Midnimo. (Isku xire Guud)
5-   C/qaadir Maxamed Cusmaan [Barnaamij] - Xibsiga Kulan - Afhayeen.

SOO ROGO - Warbixinta Hanaanka loo dhan yahay ee doorashada Sanadka 2016-ka
SOO ROGO: English Version - Warbixinta Hanaanka Doorashada Sanadka 2016-ka:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya